Jimco, May 09, 2008(HOL): Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa galabta wuxuu ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley.
Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyadoo la xaqiijiyay in Madaafiic Hoobiyayaal ah oo ku dhacay Xaafadaha Xarar-yaale iyo Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley ay geysteen Dhimashada 7 ruux iyo dhaawac 20 ruux ka badan, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic hoobiyayaal ah.
Waxaa gebi ahaanba istaagay isu socodkii iyo dadkii isticmaali jiray Wadada Wadnaha, kuwaasi oo ay socodkooda hakad geliyeen rasaasta aan loo meel dayin ee ay labada dhinac isku ridayaan.
Isgoyska Florenza ayaa ah meesha kaliya ee ay Ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin Wadada Wadnaha, iyadoo Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladana ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo gaar ah oo ka amar qaata Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Dadka degan nawaaxiga Isgoyska Florenza ayaa waxay qaati ka joogaan iska hor-imaadyada had iyo jeer Isgoyskaas iyo nawaaxigiisa ku dhexmara CiIdamada Dowladda iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay qoysas badan oo halkaas horay u deganaa ay guryahoodii ka barakaceen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia