Jimco, May 09, 2008(HOL): 8 Ruux oo rayid ah ayaa dhaawacantay kadib markii meel ay ku qaxweynayeen oo ku taala Isgoyska Siinaay qeybta Degmada Wardhiigley lagu tuuray Bambo gacmeed.
8-da Ruux ee dhaawacantay ayaa waxaa ku jiray labo Oday oo si weyn looga yaqaano Deegaanka, kuwaasi oo kala ah Salaad Gabeyre iyo Ibraahim Xeyle, halka 6da ruux ee la dhaawacantayna ay u badnaayeen dhalinyaro ka dhaweyd halka ay Bambada ku dhacday.
Dadka dhaawacmay oo dhamaantood haatan lagu daweyayo Isbitaalka Keysaney ee duleeedka Muqdisho ayaa waxaa ugu daran wiil lagu magacaabo Sanweyne, kaasi oo ay Bambada si daran ugu firirtay.
Lama garan ilaa iyo haatan ciddii Bambadaas soo tuuray iyo weliba wixii ay uga dan lahayd, waxaase jira warar is-khilaafsan oo ka soo baxaya ciddii loola dan lahaa bambadaas, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in loo waday mid ka mid ah dadka dhaawacmay, halka warar kalena ay sheegayaan in loola dan lahaa Foto ka dhaweyd halka uu qaraxa ka dhacay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Bambooyin lagu tuuro nawaaxiga Isgoyska Siinaay, waxaana jiray dhowr jeer oo hore bambooyin lagu tuuray, inkastoo bambooyinkaas ay ahaayeen kuwo loola dan lahaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia