Xildhibaano ka soo jeeda G/Hiiraan oo ugu baaqay Dadka Hiiraan in ay aayahooda ka tashadaan, maamulna ay sameystaan

Jimco, May 09, 2008(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxay ugu baaqeen dadka ku dhaqan Gobolkaas in ay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay sameystaan maamul ay iyagu soo doorteen.

Xildhibaanadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay seddex jeer maamullo u magacawday, kuwaasi oo shaqeyn waayay, gobolkana u soo siyaadiyay dhibaatooyin hor leh.

Xildhibaan Maxamed Shiikh Isxaaq Abaadir oo Xildhibaanadaas ka mid ah ayaa sheegay in maamul ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u dhistay gobolka Hiiraan uu ahaa mid aan laga talo-gelin dadka gobolka iyo weliba Xildhibaannada Dowladda ku jira ee gobolka ka soo jeeda, wuxuuna caddeeyay in uu maamulkaas ahaa mid uu watay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dadka Gobolka Hiiraan in ay isu yimaadaan, isla markaana ay aayahooda ka tashadaan, maamul ay iyaga soo doorteena ay sameystaan”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Shiikh Isxaaq.

Sidoo kalena waxaa shirka jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi oo sheegay in intii uusan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde magacaabin maamul ay xubnihii loo magacaabay diideen ay kula taliyeen in uusan ku deg degin magacaabista maamulkaas, iyadoo markii uu magacaabayna ay gebi ahaanba diideen xubnihii loo magacaabay.

“Geed dheer iyo mid gaabanba waan u kornay sidii aan mar kale gobolka loogu magacaabin maamul aaney dadka gobolka raali ka ahayn, waxaana arrimahaas kala hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku Simaha Ra’iisal Wasaaraha oo Muqdisho jooga, laakin wada hadalladaas waxba ma tarin, Ra’iisal Wasaarahana wuxuu magacaabay maamulkii”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Dhaqane.

Ka hor labadan Xildhibaan waxaa isna ka soo horjeestay magacaabista maamulkaas Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble oo sheegay in ay sharci darro tahay in maamul kale loo magacaabo gobolka Hiiraan iyadoo uu weli jiro maamul ay Dowladda horay ugu magacawday, “Ra’iisal Wasaaraha haddii uu maamul magacaabayo waxaa laga rabay in uu marka hore xil-ka-qaadis ku sameeyo maamulkii hore ee ma ahayn in uu maamul shaqeynayo maamul kale dusha uga keeno”ayuu yiri Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia