Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Deegaanka Janta-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne

Jimco, May 09, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan in mudo ah kama jirin wax maamul ah sidoo kale xitaa gudaha Magaalada iyo daafaha intaba laguma arag Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan Dowladda Federaalka, lakiin hada xaalku waa mid sidaa ka gadisan.
 
Deegaanka Jante-kuudisho oo qiysaatii 5km u jira Magaalada Beledweyne waxaa hada soo gaaray Ciidamadii Itoobiya ee dhawaan dagaalku ku qabsaday Deegaanka Nuur-fanax ee Gobalka Hiiraan, kuwaa oo iyaga oo ku hubeysan gadiidka dagaalka isku fidiyay dhulka buuraleyda ah ee ku teedsan Jante-kuundish.
 
Lama oga in Ciidamadu gudaha u soo gali doonaan Magaalada iyo in kale lakiin waxaa jira dareen arintaa ku aadan, waliba marka la eego xaalada guud waxaa muuqaneysa in uu jiro dadaal la doonayo in dib magaalada loogu soo celiyo gacantii Dowladda Federaalka, gaar ahaan Maamulkii ka arimin jiray Gobalka Hiiraan oo intooda badan dibada uga maqan Gobalka.
 
Guriga uu ka deganaa Magaalada Beledweyne Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa saakay lagu arkayay markii ugu horeysay xubno ka tirsanaa Maamulkii hore oo dhaq-dhaqaaq aan sidaa u badneyn ka wada, waxaan mar HOL ay u guurgashay sida wax u socdaan xaalku u muuqnayay mid u eg  in uu ku soo fool leeyahay Magaalada Gudoomiyihii hore ee Gobalka Yuusuf Axmed Hagar oo in mudo ah ku sugnaa deegaanka Kala-beyr.
 
Marka la eego sida hada wax u socdaan waxaa la oran karaa xaalku waa uu isa sii badalayaa dhinac walba, gaar ahaan marka looa fiirsado dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ee garabka siinaya Dowladda Federaalka, balse hadana waxaa ay su'aali ka taagan tahay sida laga yeelayo muranka la xiriira cida iska leh Mas'uuliyada dhabta ee Gobalka Hiiraan, waayo dhawaan mar uu wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Beledweyne Gudoomiyihii hore Yuusuf Dabageed waxaa uu sheegay in uusan aqoonsan doonin Maamulka la soo dhisay halka warar soo baxayana ay sheegayaan in Gudoomiyaha Cusub uu dhawaan ku soo fool leeyahay Magaalada Beledweyne.
 
Xitaa dhanka kale marka la eego waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobalka Hiiraan u arkaan Maamulkii dhawaan la soo dhisay in uu yahay mid sii jahwareerinaya Bulshada Gobalka Hiiraan, iyaga oo sheegay in ay aamin san yihiin Maamulka kaliya ee halkaa ka jira in uu yahay kan uu hogaamiyo Yuusuf Dabageeed, walow hadana aan la dhayalsan karin magacaabista Dowladda Federaalka.
 
Hadaba marka laysku geeyo dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Itoobiyaanka, Muranka dhinaca hogaanka Maamulka ka taagan, iyo waliba hadalada ka soo yeeraya Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobalka ayaa la oran karaa waa kuwo abuuraya marxalad hor leh oo waji kale u yeeli karta halkii markii hore dabeyshu u soctay.
 
Ugu danbeytii Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray Deegaanka Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa isha lagu wada hayaa sida ay arimaha u wajahaan, inkastoo ay dhici karto in Ciidamadu u sii gudbaan dhinaca Deegaanka Kal-beyr oo ay ku sugan yihiin Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah iyo xubno ka tirsan Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia