3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho

Isniin,  March 17, 2008(HOL): Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama.

 

Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo Shidaalka ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu hadal hayaa meelaha ay dadka isugu yimaadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in sicir bararkan uu ku soo beegmayo iyadoo aysan dadka Muqdisho intooda badan shaqeynin, isla markaana kuwo yar oo shaqeyn jiray ay goobahooda ganacsiga sida Suuqa Bakaaraha ay u tegi la’ yihiin nabadgelyo darro ka jirta aawadeed.

 

Haddaba aanu eegno halka uu marayo qiimaha raashinka, shidaalka iyo weliba sarifka lacagta Doollarka oo ay inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ay ku jaan-gooyaan ganacsigooda.

 

Raashinka Jumlo

Qiimaha uu joogo

Raashinka Tafaariiq

Qiimaha uu joogo

Loor Sokor ah

28$

Kiilo Sokor ah

13000Sh.so

Loor Bur ah

35$

Kiilo Bur ah

19000Sh.so

Loor Bariis ah

29$

Kiilo Bariis ah

19000Sh.so

Kartoon Baasto ah

13$

Kiilo Baasto ah

32000Sh.so

Saliid Cad 20 Ltr

31$

Madaal Digir ah

15000Sh.So

Gasac Caano ah

19$

Madaal Galley ah

440,000

Shidaal Fuustadii

Qiimaha uu joogo

Shidaal Liitarkii

Qiimaha uu joogo

Basiin

148$

Liitarkii Basiin ah

21000 Sh. So

Nafto

270$

Liitarkii Nafto ah

33000 Sh. So

Sarifka Doollarka

Heerka bixinta

Heerka Qabashada

 

Boqolkii Doollar

2,410,000 Sh. So

2,400,000 Sh. So

 

 

Weli ma dhcin taariikhda sicir bararka Suuqyada Muqdisho in uu heerkan oo kale gaaro, weliba xili ay dadka ku dhaqan muqdisho la soo dersadeen xaalado shaqo iyo nabadgelyo la’aan ah.

 

Marka laga soo tago Qiimo kororka ku yimid raashinka Quutul daruuriga ah ayaa waxaa si weyn loo dareemayaa sare u kaca qiimaha Shidaalka, waxaana laga dareemayaa Waddooyinka Muqdisho oo ay ka yaraadeen gaadiidkii isticmaali jiray, gaar ahaan kuwa dadweynaha oo haddiiba la helo haatan magaalada gudaheeda looga raaco qiimo dhan 5000 Sh. So.

 

Aqoonyahanno ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa waxay sheegeen in sicir bararka jira ay mas’uul ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo aaney jirin cid kula xisaabtanta qaabka ay u ganacsadaan, waxayna qaarkood sheegeen in ay jiraan ganacsato raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka u baahan yihiin keydiya xiliyada ay dadka u baahan yihiin, isla markaana kaga faa’iideysta waqtiyadan oo kale oo ay dadku qabaan baahida ugu badan.

 

Dr. Cumar Colaad oo ka mid ah Aqoonyahannada ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay in nolosha dadka Muqdisho ay khatar ku jirto, wuxuuna taasina ku sababeeyay in iyadoo sicir barar jiro ay Dadka Muqdisho hadana gelayaa Xiligii Bad xiranka oo bilaabanaya bartamaha Bisha May ee soo socota, xiligaasi oo ay yaraan doonaan Gaadiidka  Badda ee  Badeecooyinka Ganacsi ka keena Seyladaha ay ku xiran yihiin ganacsatada Soomaaliyeed sida Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, sicir bararka ka taagan Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad badan oo ku noolaa hooska guryahooda xitaa haddii aysan helin wax ay cunaan ay haatan daadsan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyagoo weliba ku nool heer ka sii hooseeya saboolnimo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi ay u badan yihiin Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah oo la ogyahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo aan duruufaha ah u adkeysan karin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia











Click here
3/17/2008 12:31 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

3/17/2008 12:12 PM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Shir shalay iyo maanta gelinkii hore uga socday Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa gunaanadkii shirkaas waxaa ka soo baxay go’aanno ku saabsan dib u heshiisiinta iyo sugidda Nabadgelyada Muqdisho.

3/17/2008 12:11 PM EST
Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.

3/17/2008 6:44 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/17/2008 6:41 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay toogteen ku xigeenkii Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Degmada Afgooye, kaasi oo lagu magacaabi Jiray C/qaadir Jibriil Cali.

3/17/2008 5:48 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.

3/17/2008 5:46 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

3/17/2008 5:45 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Degmadiisa uusan hoos-tegin maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay degmadiisa ka go’day Gobolkaas.

3/17/2008 5:43 AM EST
Isniin, March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.