Isniin, March 17, 2008(HOL): Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa jawaab ka bixiyay hadal saxaafadeed uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Maxamed Dheere ayaa hadal saxaafadeedka uu bixiyay wuxuu ku sheegay in weerar dhawaan lagu qaaday Siinka Dheer iyo Deegaannada Ceel Carfiid iyo Caliyaale laga soo abaabulay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay in uu Deegaankaas gabaad u yahay kooxaha la dagaalama dowladda Federaalka Soomaaliya.
Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in hadalka Maxamed Dheere uu ula muuqdo mid uu ujeeddo ka lahaa, isla markaana uu ku doonayo in uu mar kale ku sii barakiciyo dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha oo markoodiihore ka soo qaxay Magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere laga doonayo in uu caddeyn buuxda u keeno hadalka uu sheegay ee ah in deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dhuuntaan Kooxaha la dagaalama Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Maxamed Dheere haddii uu run sheegayo muxuu u dhihi waayay dagaalkii lagu qaaday Ex Koontarool Balcad iyo Warshaddii Baastada waxaa laga soo abaabulay Galgalato”ayuu yiri Nuuriye Cali Faarax oo sheegay in
Nuuriye Cali Faarax waxaa uu intaas ku daray in Maxamed Dheere uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana uusan ahayn Ra’iisal Wasaare ka hadli kara arrimaha Gobollada Dalka Soomaaliya guud ahaan.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, maamullada Gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa dhowr jeer oo hore waxay iskula dhaceen arrimo ku saabsan xuduudka labada gobol iyo weliba canshuur ka qaadista Gaadiidka labada gobol ee isu tallaaba, iyadoo xitaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uu gaaray in uu joojiyo in ay gaadiidka wata sumadda Gobolka Banaadir ay u tallaabaan dhinaca Gobolka Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Sh/hoose oo beeniyay hadal uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
More News
- Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo
- Shirkii Muqdisho uga socday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo Go’aanno laga soo saaray
- Xukuumadda Somaliland oo mar kale ku baaqday 3 Maalmood oo Soon ah iyo isu-soo bax kale oo Roob-doon ah
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor
- Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Degmada Afgooye oo lagu toogtay gudaha Degmadaas
- Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne oo Xalay lagu dilay Deegaanka Ceel Dheer ee Degmada Guriceel
- Guddoomiye Degmada Huriwaa oo sheegay in uusan hoos-tegin Maamulka Gobolka Banaadir
- Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka