4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo

Isniin, March 17, 2008(HOL): 9 Ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal ku dhexmaray labo maleeshiyo Beeleed Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dagaalkan dhexmaray labo Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu ka dhashay dhul ku yaala nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, kaasi oo ay milkiyaddiisa isku qabsadeen Dad ka soo jeeda labada Beelood ee dagaalamay.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa la sheegay in ay ku jireen Labo haween ah oo ka dhinac dagaalamayay mid ka mid ah Maleeshiyooyinka dagaalamay, sidoo kalena waxaa ku jiray Dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tagtay Rasaas habow ah, waa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo.

Marka laga soo tago Dadkii dagaalka ku dhintay, kuwii ku dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo  la sheegayo in ay Dadka dhaawaca ah ku jiraan kuwo ay xaaladdooda caafimaad liidato.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Mas’uuliyiin ka socota maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ay ku baxeen dagaalka, isla markaana ay xiisadda qaboojiyeen, walow la soo sheegayo inay weli Maleeshiyooyinka is-horfadhiyaan, ayna ku adkeysanayaan mowqifyadii ay kala taagnaayeen markii uu dagaalka ka dhex qarxayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia