Talaado, September 09, 2008(HOL): Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku jirtay bandow uu ku soo rogay maamul Islaami ah oo dhawaan halkaas laga sameeyay.
Bandowgan oo bilawday xalay abaara 9-kii fiidnimo ayaa waxay Magaalada Kismaayo ku jirtay ilaa saaka aroortii, waxaana intii uu amarka bandowga socday lagu arkayay gudaha magaalada Ciidamada Maamulka loo sameeyay magaalada Kismaayo.
Shiikh C/raxmaan Cali oo ah Madaxa Xafiiska Ammaanka Maamulka Magaalada Kismaayo oo wax laga weydiiyay waxa keenay in ay magaalada Bandow ku soo rogaan ayaa wuxuu sheegay in ay arrintaas ka dambeysay kadib markii ay magaalada ka dhaceen falal nabadgelyo darro ah, kuwaasi oo keenay in dad rayid ah lagu dilo magaalada.
“Ami darrada aan suulineyno ee lagu arkay magaalada Kismaayo marka hore waxay la wadaagtaa Magaalooyinka kale ee dalka, haddana waxaan go’aansannay inaan ku dadaalno sidii amni darradaas loo suulin lahaa”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Cali.
Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay bandowga lagu soo rogay magaalada, waxayna qaarkood sheegeen in maamulka looga baahnaa in ay bandowga joojiyaan bacdamaa lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, halka kuwo kalena ay sheegeen in xiliga bandowga uu bilaabanayo uu yahay xili ay dadka ka soo laabteen Salaadda Taraawiixda, isla markaana ay guryahooda ku soo noqdeen.
Maamulka Bandowga ku soo rogay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Sabtidii aynu ka soo gudubnay ku dhawaaqay mas’uuliyiinta xoogag la wareegay gacan ku heynta Magaaladaas oo uu horay uga talin jiray maamul beeleed, wuxuuna maamulkaas oo heer degmo ah uu ka kooban yahay 10 xubnood oo isugu jira Guddoomiyaha Degmada, ku xigeenkiisa iyo 4 Xafiis oo kala qaabisan Arrimaha Ammaanka, Dhaqaalaha, Dacwada iyo Warfaafinta, kuwaasi oo iyana ku xigeenno loo sameeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia