Talaado, September 09, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in aanu xalka Soomaaliya ku jirin in awood la isticmaalo.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xal siyaasi ah oo aan awood sheegasho ku dhisneyn, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadaallo arrintaas ku saabsan ay haatan socdaan, kuwaasi oo isugu jira kuwo Caalami ah iyo kuwo heer gobol ah.
Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayuu sheegay Shiikh Shariif in ay kulamo kula qaateen Wakiillo ka socday Safaaradaha ay Dalalka Caalamka ku leeyihiin Dalka Kenya, wuxuuna caddeeyay in ay Safiirradaas ka wada hadleen sidii loo meel-marin lahaa Heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Dowladda Federaalka.
“Sawirkii ay Beesha Caalamka Soomaaliya horay uga heysatay iyo midka ay haatan ka heysato waa uu kala duwan yahay, waxaana hadda muuqata in ay Beesha Caalamka ogaatay in mushkiladda Soomaaliya ay tahay joogitaanka Ciidamada Itoobiya”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Mar wax laga weydiiyay Shiikh Shariif in uu sii dhamaanayo waqtigii loo qabtay bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka oo ahaa 120 maalmood gudahood, waxaa uu sheegay in waqtigaas uusan dhamaad ahayd, uuna ka bilaabanayo 18-kii bishii hore, “9-kii June heshiiska waa la calaameeyay oo kaliya ee si rasmi ah looma saxiixin, hayeeshee waxaa si rasmi ah loo saxiixay 18-kii bishii hore, xiligaas ayuuna ka bilaabanayaa xiliga ay Ciidamada Itoobiyaanka Soomaaliya ka baxayaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in bartamaha bishan ay mar kale Jibouti ku kulmayaan Guddiyo Siyaasadda iyo Ammaanka qaabilsan oo ay iska soo dhex doorteen dhinacyadii Heshiiska wada gaaray.
Arrinta Kismaayo ayaa waxa laga weydiiyay Shiikh Shariif, wuxuuna sheegay in ay marar badan ka digeen in dhiig dad walaalo ah la daadiyo, “Dadka Soomaaliyeed dhiig ka daata waxaa ugu filan midka ay Ciidamada Itoobiyaanka ka daadinayaan, mana loo baahno in ay iyaga dhexdooda dhiig iska daadiyaan”ayuu yiri Shiikh Shariif oo ku baaqay in maamulka laga sameeyay Magaalada Kismaayo uu noqdo mid laga wada qeybgalo oo dadka deegaankana lagu tixgeliyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia