Xoogagga Jabhatul Islaamiyah oo sheegtay dagaal ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Talaado, September 09, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Xoogagga Jabhatul Islaamiyah oo ka mid ah Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay ka dambeeyeen dagaal shalay maqribtii ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Farxaan Cabdi ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku qaadeen Degmada Dharkeenley kadib markii sida uu hadalka u dhigay ay u yeerteen Dadka deegaanka oo dhibaato ku qabay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan.

Afhayeenkan oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dagaalkii shalay oo ay ku qaadeen Xaafadaha Suuq Boocle iyo Suuq-yaraha oo ka wada tirsan Degmada Dharkeenley ay Ciidamada Dowladda uga dileen dhowr Askari, dhinacoodana uu ka dhaawacmay hal dagaalyahan, kaasi oo uu u rajeeyay caafimaad.

Laakin waxaa isna saxaafadda la hadlay oo hadal midkaas lid ku ah jeediyay Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise oo sheegay in aaney waxba ka jirin in dagaalkaas Ciidamo looga dilay, wuxuuna sheegay in uu kaliya maqlay in dagaalka lagu soo qaaday Ciidamadooda ay ku dhaawacmeen labo haween ah oo guryahooda iska joogay.

C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in dagaalkaas oo ku soo beegmay xili ay dadka afur isu diyaarinayeen uu ahaa sida uu hadalka u dhigay mid ay Ciidamadooda iska difaaceen kooxihii soo weeraray.

Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo biirtay Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in horay loo maqli jiray dagaallo ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka, Wardhiigley, Howl-Wadaag, Hodan, Yaaqdhiis, Huriwaa iyo Dayniile.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia