Dadka ku dhaqan Degmada Berdaale oo cabsi aawgeed uga barakacay guryahooda

Cabirka Farta

Talaado, September 09, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in dadkii ku dhaqnaa Degmadaas ay ka barakaceen kadib markii ay meel u dhow degmadaas ay fariisimo ka kala sameysteen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dadkani oo u qaxay Tuulooyinka ku dhow dhow Degmada Berdaale ayaa wuxuu barakacooda yimid kaidb markii ay ka war heleen in Ciidamo Itoobiyaan ah ay fariisin ka sameysteen meel u dhow Degmada, iyadoo markii hore ay Degmada iyo nawaaxigeeda joogeen  xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd  markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu dagaal ku qabsaday duleedka Berdaale lagu eedeeyay inay dileen dad 10 ruux ku dhow, kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen dad Reer Miyi ah oo socoto ahaa.

Degmada Berdaale ayaa labo jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaallo dhexmaray xoogagga Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Al-Shabaab oo isku dhinac ah iyo Ciidamo Itooboiyaan iyo Soomaali isugu jira, kuwaasi oo marna ku sii jeeday dalka Itoobiya, mar kalena ku soo jeeda dhinaca Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntiina Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa haatan waxay tahay mid ay kaliya  ku sugan yihiin dad yar oo ilaashanaya guryahooda iyo goobahooda ganacsiga, kuwaasi oo qudhooda ay suurtagal tahay in ay naftooda la baxsadaan kadib marka xoogagga iska hor-jeeda uu dagaalkooda bilowdo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia