Jimco, September 26, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan ku sugnaa Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Beledweyne ayaa saaka mar ay Xeradaas ka sii baxayeen waxay gubeen Gaar Shidaal u waday Magaalada Muqdisho oo ka yimid Magaalada Boosaaso.
Askari ka tirsan Ciidamo Itoobiyaan ah oo saarnaa Gaari Ural ah ayaa mar uu hareer marayay Gaari Xamuul ah oo Shidaal ku rarnaa wuxuu ku tuuray Sigaar uu cabayay, kadibna waxaa Sigaarkaas ka dhashay Dab holciyay Shidaalkii gaariga saarnaa, sidaasna waa ku baaba’ay Gaarigii iyo Shidaalkii saarnaa.
Milkilihii iska lahaa Gaarigaas oo lagu magacaabo Macallin Food-cadde ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho in uu gebi ahaanba gubtay gaarigiisii iyo Shidaalkii saarnaa oo dhamaa 120 fuusto.
“Gaariga dhawaan ayaan soo iibsaday, waxaa uu shaqeeyay bil kaliya, wuxuuna iigu fadhiyay 42 kun oo Doollar, Shidaalka saarnaana wuxuu qiimahiisa ka badan yahay 10 kun oo Doollar”ayuu yiri Milkilaha Gaariga gubtay oo lagu magacaabo Macallin Food-cadde.
Shidaalkan ay gubeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku socday Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugayeen ganacsato lahayd. Falkan cadawtinimada ah ee ay ku kaceen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horeeyay ee ceynkiisa oo kale ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka sameeyaan, marka laga reebo in ay dhibaato u geystaan Dadka Shacabka ah ee ku sugan xaafadaha ay ka degan yihiin Magaalooyinka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia