Masiibada dagaalka oo taabatay qoysaska qurba-joogta

Cabirka Farta

Jimco, September 26, 2008(HOL):  Duqeyntii magaalada Muqdisho ee Isniintii la soo dhaafay ciidamada Amisom u geysteen ayaa waxaa ka mid ahaa qoys ku tirtirmay madaafiicdii, balse uu ka badbaaday Aabihii qoyskaas oo ku sugan Magaalada Amesterdam  ee Dalka Holland. 

“Waa nin runtii wadaad ah, oo aad u iimaan badan, wuxuu ka soo kacay reerkiisa magaalada Muqdisho, shan caruur ah iyo hooyadood,” ayey tiri Maryan-Saafi Cabdulqaadir oo Hiiraan Online uga warantay masiibada ku habsatay Cabdifataax Abgaalow. “Waxay kala ahaayeen sadex wiil iyo laba gabdhood, waxaana maanta ka nool wiil yar oo laba jir ah, asna waxaa dhaawac halis ah kasoo gaaray dhabarka,” ayey tiri Maryan-Saafi oo aad uga murugeysan masiibada weyn ee ku timid Cabdifataax.
Waxaa kaloo isla goobtii ku dhintay, oo ah Degmada Hodan, sadex qof oo kala ah, Cabdifataax hooyadiis, xaaskiisa iyo gabar la dhalatay xaaskiisa oo dumaashidiis ah. 

“Innaa lilaahi wa inaan ileyhi raajicuun, Ilaahayoow adaa markii hore isiiyay, hadana adaa iga watay,” ayuu ahaa hadalkii Cabdifataax, markii loo sheegay geerida qaracanka leh ee ku habsatay qoyskiisa, ayey tiri Maryan-Saafi oo joogta xeryaha qaxootiga ee dalka Holland. Guriga madfaca ku dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa ayeeydiis iyo awoowgiis, nasiib wanaag, way ka samatabaxeen, inkastoo laga soo hoos jiiday burburkii guriga.

“Cabdifataax walaashiis Sacdiya ayaa runtii nuugu walwal badan halkaan,” ayey tiri Maryan-Saafi oo ka hadleysay sida ay u taabatay geeridaas intii kasoo hartay Reer Abgaalow. “Waxay kusoo celcelineysaa iyadoo murugeysan ‘Alla hooyadeey ma arki doonno miyaa?’ naxdintii ay ka naxday darteed intaas oo qof oo dhimashadooda halmar loo sheegay” iyadoo ku dartay in jaalliyadda ay is wargelisay hadeer sidii loogu gurman lahaa qoyskaan ku xasuuqmay madfaca.

Dadka qurba-joogta ah ayaa la soo daristay walwal iyo murugo fara badan, gaar ahaan, kuwa ehelkooda ay ku sugan yihiin goobaha ay dagaalladu ka socdaan, sida Muqdisho iyo gobolada nawaaxigeeda ah, laakiin dhacdadan ayaa waxay noqotay mid ay hadal hayaan dadka, oo si gaar ah uga anfariirisay qurba-joogta. 

“Wax loo adkeysan karo maahan, dadkii gummaad iyo xasuuq ayaa la iskugu daray, laakiin Ilaah ayaan leenahay, Asaanna u tala saaranay, middaan waa laga bixi doonaa, Ilaahey idinkiis,” ayuu yiri Maxamed Xabeeb oo dareenkiisa shacuur aad u kacsanaa. Maxamed Xabeeb oo ku nool magaalada Boston ayaa ah ehelkii Barre Xabeeb Cismaan, oo isla habeenkii Isniinta ku geeriyooday isagoo jooga gurigiisa, agagaarka Lambar 4, kadib madaafiicdii ay Ciidamada African Union la beegsadeen goobaha shacabka iyo suuqayad Muqdisho.

Dagaalka ayaa dadka qurba-joogta saameyn badan ku yeeshay, iyagoo laf-dhabar u ah dhaqaalaha, guud ahaan Soomaaliya, oo hoos-u-dhac kii ugu darnaa ku yimid muddadii 17-ka sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan 21-kii bilood ee dalka ay ku jireen ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka socda African Union-ka.

Daddaalo nabad lagu doonayay ayaa maalmihii lasoo dhaafay Djibouti uga socday kooxaha isku haya siyaasada Soomaaliya, iyadoo dhacdadii Isniinta ay shaki galisay dad badan rajada kasoo bixi karta shirkaas maadaama uusan jirin jawi-nabadeed. 

Ibrahim Abdulkadir, HOL
Boston, Massachusetts