Jimco, September 26, 2008(HOL): Dowladda Canada ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay kordhisay waqtiga uu Xeebaha Soomaaliya ka howlgelayo Markab dagaal oo ay Soomaaliya ugu dirtay in uu ilaaliyo Maraakiibta Raashinka Mucaawinada ah geysa Soomaaliya.
Markabkan dagaal oo lagu magacaabo Ville de Quebec ayaa waqtigii loogu talagalay in uu Maraakiibtaas gargaarka ilaaliyo wuxuu ku egyahay maalinta berri ah, waxayna Dowladda Canada sheegtay in ay waqtigaas gaarsiisay ilaa 23-ka Bisha Oktoobar ee soo socota.
Dowladda Canada waxay sheegtay in uu Markabkeeda dagaal sii wadi doono galbinta Maraakibta WFP u kireysan ee Soomaaliya geysa raashinka Mucaawinada ah, waxayna intaas ku dartay in ay sidaas u yeeleyso in ay Hay’adda WFP soo raadsato Dowlado kale oo ka gacan-siiya ilaalinta Maraakiibteeda gargaarka wadda.
Ciidamo ka socday Dowladaha Holland, France iyo Denmark oo saarnaa Maraakiib dagaal ayaa waxya muddo 8 bilood ah ilaalinayeen Maraakiibta u raran WFP ee Dekedaha Soomaaliya raashinka geeya, hayeeshee Ciidamadaas wey ka baxeen Biyaha Soomaaliya markii uu u dhamaaday waqtigii ay ugu talagaleen in ay Xeebaha Soomaaliya joogaan.
Hay’adda WFP ayaa dhawaan waxay ka codsatay Dalalka Midowga Yurub in ay ugu deeqaan Maraakiib Dagaal oo galbiya Maraakiibta Gargaarka Mucaawinada ah geeya Soomaaliya, iyadoo sheegtay in haddii aaney Maraakiibtaas helin ay khatar geleyso nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku tiirsan raashin ay Hay’adda WFP u qeybiso.
Ugu dambeyntiina, baahida keentay in ammaankooda la sugo Maraakiibta Gargaarka Mucaawinada ah geysa Soomaaliya ayaa waxay timid kadib markii ay Kooxo Burcad Badeed ah af-duubteen Maraakiib u kireysnaa Hay’adda WFP, kuwaasi oo raashin mucaawino ah u waday Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia