Nin Ganacsade ah oo xalay lagu dilay magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Jimco, September 26, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa magaaladaas lagu dilay nin ganacsade ah oo si weyn loo yaqaanay.

Ninkan ganacsadaha ahaa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Ibraahim ayaa waxaa lagu dilay nawaaxiga Suuqa Balka ee Magaalada Baydhabo, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano Magaalada Baydhabo, waxaana ilaa iyo hataan la ogeyn sababtii keentay in ay kooxahaas hubeysan toogtaan.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal loo geysto dadka dowladda la shaqeeya iyo weliba kuwo aan la shaqeynin, weerarro lagu qaado guryaha ay degan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka iyo weliba Qaraxyo, waxayna falalkaas ka dhigeen Magaalada Baydhabo mid aanu Ammaankeeda hagaagsaneyn.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay oo aanu ammaankeeda hagaagsaneyn ayaa waxay Xarun  KMG ah u tahay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay ku yaalliin Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia