![]() |
|
Qof ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho ka socdad: Sawirka Mowliid Cabdi/ Reuters |
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo xoogag ka soo horjeeday ayaa madaafiic la isugu adeegsaday waxay sababtay dhimashada dad gaaraya 10 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood waxay ahaayeen dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic xooggan oo dhinacyadii dagaallamayay isu adeegsanayeen.
Dagaalkii xalay oo ka dhacay Isgoyska Florence iyo nawaaxiga Xarunta Degmada Wardhiigely ayaa waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Xoogagga Dugsiga Raas-kaambooni, kuwaasi oo Afhayeenkooda Shiikh Maxamed Muxumed (Dulyaddeyn) uu sheegay in ay halkaas dhibaato culus ugu geysteen Ciidamadii Dowladda iyo kuwii Itoobiyaanka ahaa ee ay dagaalka iskala hor-yimaadeen, dhinacoodana wuxuu sheegay in ay afar dagaalyahan ka dhaawacmeen.
Shiikh Maxamed Dulyaddeyn waxaa uu sheegay in iyagoo dagaal xooggan kula jira Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, isla markaana u dhawaaday Xarunta Villa Somalia ay dhanka Sayidka ka soo galeen Ciidamada Uganda oo uu sheegay in ay dagaalka ka qeybgaleen, wuxuuna sheegay in uu qudhooda dagaal dhexmaray.
Dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu daba socdaa dagaallo xiriir ah oo dhawaanahan dhexmarayay Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga wax iska caabinta ee ka soo horjeeda, waxayna dagaalladaas geysteen khasaare dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac isugu jira, kuwaasi oo soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
