Sabti, September 20, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa markoodii seddexaad waxay caawa fiidka heshiis ku kala saxiixanayaan Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.
Saxiixa heshiiska ay labada dhinac wada gaareen oo u muuqda midkii kama dambeysta ah ayaa waxaa ku jira qodobo haddii la fuliyo wax weyn ka bedeli kara xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Qodobada ay ladabada dhinac saxiixa ku duugayaan oo hordhac ahaan aan u helnay ayaa waxaa ka mid ah in Xabadda la joojiyo wixii ka bilowda 1-da Oktoobar 2008, in Ciidamada Itoobiya looga saaro xaafadaha ay dadka degan yihiin dhexdooda, isla markaana lagu bedelo Ciidamo labada dhinac ah, in ay labada dhinac isla sameeyaan Ciidamo Boolis ah oo tiradooda gaareyso 10 kun oo Askari, in Ciidamada Itoobiya marka ay baxayaan la nabadgeliyo, in labada dhinac ka wada qeybqaataan dhisidda maamullada dalka, Dastuur u sameynta Dalka, Dhaqaalaha iyo weliba fududeynta Gargaar bani’aannimo oo la gaarsiinayo dad badan ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Laakin iyadoo ay sidaas tahay hadana waxaa jira qodobo ay dib u gurasho ka sameyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo shalay, xalay ilaa iyo maanta ay Dowladda Federaalka ku doodeyso in eray bixin kale loo sameeyo qodobo ku jira heshiiska la saxiixayo, kuwaasi oo aan ka xusi karno in marka laga hadlayo ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya aan afka lagu ballaarin Ciidamada Itoobiya, waxayna taasi bedelkeeda Dowladda door-bideysaa in la yiraahdo waa in ay dhamaan Ciidamada Shisheeye ka baxaan Dalka Soomaaliya.
Qodob kale oo ay Dowladda Federaalka ku dhegan tahay ayaa wuxuu yahay in muddo loo qabtay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee xaafadaha dhexdooda ah oo ah 30 maalmood laga dhigo 45 cisho.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Dalka Jibouti-na waxay sheegayaan in caawa 8:30 fiidnimo ay ergooyinka labada dhinac isu imaan doonaan, isla markaana ay wada saxiixi doonaan, iyadoo saxiixa heshiiskan oo maanta gelinkii hore lagu waday uu dib u dhacay kadib markii ay wadatashi isugu noqotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyiinta wada hadallada ka qeybgelaya ay xiriirro la sameynayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo Muqdihso iyo Baydhabo ku kala sugan.
Ugu dambeyntiina, Qodobada Heshiiskan ayaa haddii ay meel-mariyaan labada dhinac waxaa la oran karaa waa tallaabo loo qaaday dhinaca xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya oo muddo dheer fowdo iyo kala dambeyn la’aan ku soo jiray, tiiyoo ay xusid mudan tahay in uu haatan xaalkiisa ka sii daray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia