Dowladda Norway oo ku biirtay Dowlado Reer Yurub ah oo daneynaya in ay Xeebaha Somalia ka ilaaliyaan Kooxaha Burcad Badeedka

Cabirka Farta
Sabti, September 20, 2008(HOL): Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in ay Markab Dagaal u soo direyso Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo ka qeybqaadan doono howlgallo lagula dagaallamayo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Xeebaha Soomaaliya ka dilaacay.

Markabkan Dagaal oolagu magacaabo Fridtjof Nansen ayaa waxaa Xeebaha Soomaaliya loo soo diri doonaa dhawaan, wuxuuna ka qeybqaadan doonaa howlgalka la-dagaalanka Burcad Badeedka Soomaaliya, sidaas waxaa qoray Wargeys ka soo baxa Norway oo lagu magacaabo VG.

Markabkan Dagaal ee ay leedahay Norway ayaa wuxuu ku biiri doonaan Maraakiib dagaal oo Xeebaha Soomaaliya ugu socda in ay la dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka, hayeeshee waxay xustay Dowladda Norway in inta aysan dirin Markabkan ay warsan doonto UN-ka ogolaasho caddaan ah.

Dowlada Spain oo ka mid ah Dowladaha Reer Yurub ayaa iyaduna waxay dhawaan shaaca ka qaaday in ay Diyaarad dagaal u diri doonto Xeebaha Soomaaliya, taasi oo ay la socdaan 90 Askari. Spain waxay sheegtay in Diyaaraddaas oo ka soo duuli doonta Dalka Jibouti ay Maraakiibta isaga kala goosha Xeebaha Soomaaliya ay uga digi doonto Kooxaha Burcad Badeedka ah ee doonaya in ay qabsadaan.

Dhanka kalena, Dowladda Faransiiska oo ay Ciidamadeeda Badda tijaabiyeen in wax laga qaban karo Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay Qaraar ay ku dalbaneyso in Xeebaha Soomaaliya loo diro Ciidamada la dirira Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan.

Ciidamada Badda Faransiiska ayaa labo jeer waxay Xeebaha Soomaaliya xoog kaga furteen dad u dhashay France oo iyaga iyo Doomo ay saarnaayeen ay qafaasheen Kooxo Burcad Badeed ah, iyadoo weliba labada jeerba ay Ciidamadaas gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah Kooxihii Burcad Badeedka ahaa.

Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa hoos-yimaada Maamulka Puntland ayaa waxay Kooxo Burcad Badeed ah ku heystaan 13 Markab iyo Shaqaalihii la socday, waxayna dalbanayaan lacag madax furasho ah si ay u sii daayaan dadka iyo Gaadiidka Badda ah ee ay heystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia