Maamulka Puntland oo sheegay in uu soo qabtay xubno ka tirsanaa Kooxaha Burcad Badeedka

Cabirka Farta
Sabti, September 20, 2008(HOL): Maamulka Dawlada Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la Dagaalanka Burcad Badeedka ku sugan xeebaha Puntland, kuwaasi oo ahaa waqtiyadii la soo dhaafay kuwo si aad ah u soo xoogaysanayay, isla markaana 10 Markab Iminka afduub ugu haysta Xeebaha Degmada Ayl ee Maamulka Puntland.

Madaxwayne ku Xigeenka DGPL Xasan Daahir Afqurac oo la hadlay Saxaafadda ayaa tilmaamay in maamulku uu dagaal xoogan kula jiro Burcad Badeedka Puntland , si loo hakiyo afduubyo hor leh oo ka dhici lahaa xeebaha Gacanka Cadmeed.

“Waxaan iminka gacanta ku haynaa ilaa 50 qofood oo ka tirsan Burcad Badeedka Puntland, kuwaasi oo aynu ka soo qabanay Gobollada Sanaag Iyo Bari " Sidaasi Waxaa yiri Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo ka hadlay Waxqabadka Puntland ee dhanka Burcad badeedka.

Ku Simaha Madaxwaynaha Puntland ahna Madaxwayne ku xigeenka Xasan Daahir Afqurac ayaa hadalladiisi waxaa ka mid ahaa in aysan jirin ilaa iyo hadda wax taageero ah oo Maamulka Puntland ka soo gaaray dhanka Beesha Caalamka si loola dagaallamo Burcad Badeedka, wuxuuna Beesha Caalamka ka codsaday in Puntland laga taageero la dagaalanka Burcad Badeedda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Dallaayadaha ku booda ee France ay Weerar ku qaadeen kooxo Burcad badeed ah oo ku sugnaa degmada Ayl, kuwaasi oo afduub u haystay Mawaadiniin u dhashay dalka France.

Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa ka hadlay hanjabaad ka soo yeeratay kooxaha Burcad badeedka ah, taasi oo ku aadan in Burcaddu ay dab qabadsiin doonaan Maraakiibta ay afduubka u haystaan haddii ay dareemaan wax Tallaabo ah oo dhankooda loo soo qaado, waxaana uu sheegay Madaxwaynaha in Tallaabo sharci ah laga qaado Ciddii falkaasi ku kacda. Madaxwayne ku xigeenka DGPL ayaa ka codsay shacabwaynaha Puntland in ay Maamulka kala shaqeeyaa dhanka amniga iyo sdii loola dagaalami lahaa Burcad badeedka ,waxaana uu ku tilmaamay Burcad badeedka in ay yihiin Qas-wadayaal ka soo hor jeeda horumarka Puntland.

Hadalka ka soo yeeray Madaxwaynaha ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo labo Maalin ka hor Magaalada Boosaaso ay ku dagaallameen Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland iyo kooxo Burcad badeed ah oo ku soo jeeday Magaalada Boosasao.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia