Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta
Sabti, September 20, 2008(HOL): Wararka naga gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaas uu ka dhacay Qarax lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxan oo ka dhacaya Nawaaxiga Xero Jaad ee Xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 ruux, kuwaasi oo3 ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii qaraxa loola dan lahaa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxaas kadib ay goobta qaraxa ka dhacay gaareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dad ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu qeyb ka yahay falal nabadgelyo darro ah oo dhawaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo isugu jiray dilal, qaraxyo iyo weerarro madaafiic loo adeegsaday oo dhowr jeer oo hore lagu qaaday Magaalada Baydhabo.

Haddaba iyadoo falalkaas nabadgelyo darrada ah ay ka jiraan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa fariisin KMG ah ku leh Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ku yaala Xafiisyo KMG ah oo ay leeyihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia