Sabti, September 20, 2008(HOL): Qoraal ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu joojiyay isticmaalka Baasaboorka cagaaran ee Soomaaliyeed.
Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo ah Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo qoraalkaas saxaafadda u aqriyay ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 30-ka bishan aan la isticmaali doonin Baasaboorka cagaaran ee Soomaaliyeed.
Xuseen Xuub-sireed waxa uu sheegay in waqtigaas wixii ka dambeeyay uu qofkii heysta Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka isticmaali doono, kaasi oo uu sheegay in uu yahay mid casri ah oo E-Passport ah (Electronic Passport).
Muddo sanad ka badan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho looga dhoofayay, loogana soo degnayay Baasaboorka cusub iyo midkii hore ee cagaarka ahaa, waxaana taasi isla gartay Shirkadaha Diyaaradaha Muqdisho iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Fedeaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aankan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee lagu joojinayo isticmaalka Baasaboorka cagaaran ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu maalintii 5aad ku xiran yahay amar ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo joojisay isticmaalka Baasaboorka Cagaaran
Cabirka Farta
More News
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Caawa mar kale heshiis ku wada saxiixanaya Dalka Jibouti
- Dowladda Norway oo ku biirtay Dowlado Reer Yurub ah oo daneynaya in ay Xeebaha Somalia ka ilaaliyaan Kooxaha Burcad Badeedka
- Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo
- Dad ku dhibaateysan Daafaha Magaalada Beledweyne oo Deeq la gaarsiiyay
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Xoogagga Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen duqeyntii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Maxaa ka soo baxay Wada hadal dhaxmaray Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuundisho?
- Maamulka Puntland oo sheegay in uu soo qabtay xubno ka tirsanaa Kooxaha Burcad Badeedka