
Talaado, 16 September 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hoggaaminayay oo socdaal ugu kicitimay dalal ka tirsan Qaaradda Yurub, ayaa gaadhay Magaalo-Madaxda dalka France ee Paris, halkaas oo isaga iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyay.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Weftiga Madaxweyne Rayaale, ahna Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale oo weftiga ka mid ah, Madaxweyne Rayaale waxa uu halkaa kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda Faransiiska.
Warsaxaafadeedkaas Weftiga Madaxweyne Rayaale soo saaray oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha SL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay waxa uu ka degay gegida Dayaaradaha De gaulle ee Magaalada Paris, halkaasi oo ay Madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socday Dawladda Fransiiska iyo Jaaaliyadda Somaliland ee Dalka Fransiiska.
Weftigu waxa uu guda galay kulamadii uu la lahaa Dawladda Fransiiska, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa Xarunta Madaxtooyada Dalka Fransiiska ku qaabilay La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Africa, Mr. Bruno Joubert, kullankaasi waxa la taliyaha ku wehelinayey, Safiirka Djibouti u fadhiya Dalka Fransiiska, Mr. Dominique Decherf iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Madaxtooyada Fransiiska. Waxa kale oo Maanta Madaxweynaha iyo Weftigiisu kullan kula yeesheen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Debedda, u qaybsanaha Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Africa iyo Indian Ocean Mr. Jean De Gliniasty iyo Masuuliyiinta qaybaha kala duwan ee Africa. Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxa kalooy Maanta booqdeen Xarunta Senate-ka ee France, halkaasi oo ay kula kulmeen Guddiga Arrimaha Debedda ee Senate-ka.
Madaxweynuhu Madaxdaasi kala duwan ee uu arkay, waxa uu warbixin qoto dheer ka siiyay Xaaladda Somaliland ee Maanta iyo halkii laga soo qaaday iyo siday diyaar ugu yihiin shacbi iyo dawlad sidii dalkooda ay horumarin u gaadhsiin lahaayeen. Waxa Madaxweynuhu ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Dalka iyo wax allaale wixii ay gacan nagu siin karaan.
Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta uu arkay dhammaantood u fidiyey Casuumad inay dalka yimaadaan, isla markaana indhahooda ku soo arkaan xaqaa’iqa ka jira Dalka. Masuuliyiintu dhammantood, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen warbixinta dhammays ka tiran ee uu ka siiyay xaaladda Dalka, iyo booqashada isaga iyo weftigiisu ku yimaadeen Paris. Waxay Madaxweynaha iyo weftigiisa u ballan qaadeen in ay gacan dhaqaale iyo mid kaleba ula diyaar yihiin. Isla markaana ay ka aqbaleen Casuumadda Madaxweynuhu u fidiyey.
Madaxweynaha waxa kullamadaasi ku weheliyey, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale , Cali Ismaaciil Xassan Xog-hayaha 1aad ee Xafiiska Somaliland ee France iyo Mudane Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.”
Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale booqasho ku tegi doona dalka Jarmalka oo uu sheegay inuu u tegayo arrimo Caafimaad oo dhinaca Ilkaha la xidhiidha.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland