Talaado, September 16, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Magaalada Beledweyne oo meel fagaaro ah kala hadlayay dadka ku dhaqan Magaalada ayaa waxaa ay sheegeen in aysan wax shaqo ah ku laheyn sida ay hadalka ku dhigeen dilalka loo geysanayo shaqsiyaadka aan waxba galabsan.
Hadalka Mas'uuliyiinta ayaa ku soo beegmay xilli dadku si weyn uga xumaadeen dilkii dhawaan loo geeysta Cali Max'ed Xasan (Baasaay) oo waqtiyadii dambe ka fariistay howlihii uu u hayay Maamulka Gobalka Hiiraan.
"Waa ay jiraan Kooxo aan waxba kala soocin, laakiin muhiimaddu waxaa ay tahay in aan la ogleyn dilka qof aan muteysan, xitaa haddii uu shaqsigaasi la shaqeyn jirin Maamulkii Gobalka ma'aha in la dilo waayo Naftiisu xurmo ayay leedahay” sidaasi waxaa yiri Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha ee jooga Magaalada Beledweyne,waxaana ay intaas raaciyeen in aysan wax shaqo ah ku lahayn dilkii loo geystay Madaxii hore ee Waxaada Denbi baarista Gobolka Cali Max'ed Xasan.
Inkastoo si weyn loo soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Mas'uuliyiinta Xoogagga gacanta ku haya Magaalada Beledweyne, ayaa hadana dhinaca kale waxaa jira shaki dadku ka qabo sida ay u kala amar qaadanayaan iyaga iyo garabka kale ee Al-shabaab oo gacanta ku haya Xabsiga Magaalada.
Marka aad si qoto dheer u dhax gasho fikradaha dadka rayidka ah waxaa kuu soo if-baxaya in aysan la dhacsaneyn dhaqamada la xiriira dilalka loo geysto dadka muhiiimka ah, ""Runtii haddii ay joojin la haayeen dilalka dadka aan waxba galabsan xitaa kacdoonka lagaga soo horjeedo Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya garab ayaan ku siin laheyn” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
Sidaasoo ay tahay hadana labadii maalmood ee la soo dhaafay dadka reer Beledweyne waxaa ay ahaayeen kuwo u muuqda in ay ka baxeen cadaadis markii hore ay ku qabeen joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxaadna arkeysaa in dadku dhax mushaaxayo Magaalada ilaa laga gaaro 11:00 habeenimo halka markii hore qof walba uu gurigiisa dib u gali jiray marka la gaaro 5:00 galabnimo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan.
Cabirka Farta
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku jooga dalka Faransiiska iyo kulamo uu la yeeshay Mas’uuliyiin dalkaas ka tirsan
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Jibouti kula shiraya Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya
- Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo aysan maanta wax diyaarado ah ka soo degin
- Baarlamaanka Soomaaliya oo 48 saacadood gudahood uga jawaabaya go’aan uu gaaray oo uu ku soo celiyay Madaxweyne Yuusuf
- Xildhibaan kale oo iska casilay Baarlamaanka Soomaaliya
- Ammaanka Waddooyinka laga galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay
- Ciidamo Faransiis ah oo xoog ku furtay Labo Ruux oo ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ka heysteen
- Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo iyagoo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho qarax lagula beegsaday Deegaanka Lafoole
- Qoysas ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan oo la gaarsiiyay Deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Gabdho ku nool Dalka Ingiriiska