Talaado, September 16, 2008(HOL): Ciidamo aad u tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu daadiyay Waddooyinka laga galo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa waxay xayireen isu socodka dadka iyo gaadiidka Wadooyinka gala Garoonka Diyaaradaha, gaar ahaan tan ka baxda Isgoyska KM4 ee u kacda dhinaca Garoonka iyo tan Garoonka ka soo gasha dhinaca Degmada Wadajir.
Sababta ay Ciidamadan u joogaan Waddooyinkaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto sugidda Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab sheegeen in uu xiran yahay laga bilaabo 16-ka bishan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu shalay Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu ugu baaqay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab in ay ka digtoonaadaan sida uu u yiri caga-jugleynta ay shacabka ku hayaan, wuxuuna sheegay in ay Dowladda sugi doonto Ammaanka Garoonka Diyaaradaha.
Waxaan la ogeyn inay maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo degi doonaan diyaarado ay leeyihiin Shirkad ganacsi, kuwaasi oo qudhooda looga digay in ay garoonka isticmaalaan.
Waddooyinka ay xireen Ciidamada Dowladda ayaa waxay saameyn ku yeesheen dad badan oo saaka u shaqo tegi lahaa goobahooda ganacsiga iyo kuwo kale oo aadi lahaa goobo ay wax ku bartaan.
Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia