Ciidamo Faransiis ah oo xoog ku furtay Labo Ruux oo ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ka heysteen

Cabirka Farta

Talaado, September 16, 2008(HOL): Labo ruux oo u dhashay Dalka Faransiiska oo ay af-duub ku heysteen kooxo Burcad Badeed ah ayaa waxaa xoog ku furtay Ciidamo Faransiis ah oo la socday Markab Dagaal.

Howlgalka ay Ciidamada Faransiiska ku furteen labada ruux ee laga heystay ayaa waxaa ku geeriyooday hal burcad Badeed ah, lix kalena gacanta ayaa lagu dhigay, “Hal Burcad Badeed ah ayaa la dilay lix kalena waa la qabtay kadib markii ay Ciidamada Faransiiska sameeyeen howlgal uu amray Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Faransiiska.

“Madaxweynaha waa uu ku faraxsan yahay guusha ka timid howlgalkaas, hambalyo diiran ayuuna u diray Ciidamadii howlgalkaas sameeyay”ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Faransiiska.

Wuxuu ahaa howlgalkii labaad oo ay Ciidamada Faransiiska ka sameeyaan Xeebaha Soomaaliya iyagoo daba taagan Dad ay af-duubteen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, waxayna sidoo kalena Ciidamada Faransiiska ay gacanta ugu dhigeen 6 kale oo Burcad Badeed ah, kuwaasi oo qafaashay Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiiska u dhashay.

Labada Ruux ee ay ku guuleysteen Ciidamada Faransiiska in ay xoog ku furtaan ayaa 2-dii September 2008 iyagoo la socday Doon 16 Mitir ah oo ka diiwaan-gashan Dalka Venezuela waxaa laga qafaashay Badda Gacanka Cadmeed, waxaana lagu heystay Xeebta Baar-gaal oo ka tirsan Puntland.

Ugu dambeyntiina, Howlgalka ay Ciidamada Faransiiska ka sameeyeen Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub ay go’aan ku gaareen in ay sameeyaan Ciidamo ka socda Wasaaradaha Gaashaandhigga Dalalka Yurub, kuwaasi oo wax ka qaban doona khatar ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Xeebaha Soomaaliya ee aaney cidna ilaalin.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe, Somalia