Talaado, September 16, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in uu halkaas maanta ka bilowday kulan ay wada leeyihiin Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo dhawaanahan wada hadallo u socdeen iyo Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in kulankan oo ka dhacaya Hotelka Kempinski ee Magaalada Djibouti looga hadlayo sidii loo taaba-gelin lahaa wada hadalladii dhinacyada Soomaalida u socday iyo weliba arrimo kale oo ku saabsan sidii gurmad deg deg ah loola gaari lahaa dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Kulanka u socda Dhinacyada Soomaalida iyo Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya ayaa marka uu soo dhamaado waxaa isu soo hari doona Guddiyadii Siyaasadda iyo Ammaanka qaabilsanaa ee ay iska soo dhex doorteen labada dhinac, kuwaasi oo soo bandhigi doona waxyaabihii ay qabteen tan iyo markii la magacaabay.
Magaalada Djibouti hadda waxaa ku wada sugan Wufuud ay kala hoggaaminayaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana la filayaa in inta aysan bishan dhamaanin in ay labada dhinac soo saaraan go’aanno wax ku ool ah oo weliba markan la dhaqangelinayo.
9-kii June 2008 ayay ahayd markii ay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay heshiiska ku wada gaareen Dalka Jibouti, waxayna ilaa iyo haatan dad badan oo Soomaaliyeed sugayaan dhaqangelinta heshiiskii ay labada dhinac wada gaareen, kaasi oo ay qodobadiisa ugu muhiimsanaayeen in Xabadda la joojiyo iyo in ay 120 maalmood gudahood ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan kadib marka la helo Ciidamo UN-ka ka socda oo ku filan sugidda Ammaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia