Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sharci darro ku tilmaamay go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya

Axad, September 14, 2008(HOL):  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa wuxuu si weyn uga soo horjeestay go’aan uu todobaadkii hore gaaray Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Go’aan uu Baarlamaanka ku gaaray in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin Wasiirro horay isu casilay uu yahay mid aan Axdiga KMG ah waafaqsaneyn, wuxuuna caddeeyay in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid qalalaase ka dhex abuuraya Dowaldda Federaalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa awood u leh in ay aqbalaan ama diidaan is-casilaaddii Wasiirrada ee wax Baarlamaan u yaalla ma ahan, taasina waxay u muuqataa mid xad-gudub ku ah Sharciga iyo Xuquuqda Wasiirrada iyo Wasiir ku xigeennada”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuuusf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa intaas ku daray in go’aanka Baarlamaanka uu ahaa mid ka soo horjeeda Heshiiskii ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ku gaareen Dalka Itoobiya, kaasi oo uu xusay in uu  ahaa mid loo qaaday dhinaca Dib u heshiisiinta.

Intaas kadib madaxweynaha waxaa uu uga jawaabay Go’aankii Baarlamaanka 6 qodob oo kala ahaa:

In uu go’aankaas ka soo horjeedo Axdiga iyo Dastuurka Dalka
In uu ka soo horjeedo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka
In uu duminayo Xukuumadda Dalka u dhisan
In uu buriyay Heshiiskii ay madaxda Dowladda ku soo gaareen Addis Ababa
In uu yahay mid dhaawacaya maslaxada Dalka, isla markaana abuuraya qalalaase hor leh.
In uu ka hor imaanayo Xoriyadda iyo Xuquuqda Sharciga ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka sii hadlayay go’aanka Baarlamaanka ka soo baxay waxaa uu sheegay in uu go’aankaas ku celiyay Baarlamaanka, isla markaana uu ka filayo Baarlamaanka in uu sharciga ilaalin doono. Go'aanka baarlamaanka ee uu madaxweynaha laalay ayaa haddii uu Baarlamaanka sidiisa ku soo celiyo waxaa uu sababayaa in ay dhacdo Dowladda oo dhan, waa sida uu qabo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore wuxuu si aqlabiyad leh u ansixiyay in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen oo horay isaga casilay xilalkii ay hayeen, waxaana go’aankaas gaaray 175 mudane oo ka mid ahaa 190 Mudane oo ka qeybgalay kulankii go’aankaas lagu gaaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia