Axad, September 14, 2008(HOL): Labo Nin oo ku hubeysan Bastoolado ayaa habeenimadii Xalay waxaa ay toogasho ku dileen Madaxii Waaxda Danbi Baarista Gobalka Hiiraan Cali Max'ed Xasan (Cali Baasaay) xilli uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn gurigiisa.
Lama oga ilaa hadda cidda dhab ahaan ka danbeysa falka dilka ah, laakiin wararka qaar ayaa sheegay suurtagalnimada in dilkaasi ay geysteen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Cali Max'ed Xasan Cali Baasaay ayaa ka hor inta aan loo dhiibin Madaxa Waaxda Dembi Baarista waxaa uu horjooge u ahaa Ciidamo Baliis ah oo lagu soo tababaray deegaanka Carmo oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, laakiin waqtiyadii ugu danbeeyay Marxuumku faraha ayuu ka qaaday howlihii uu u hayay Maamuulka sababo dhinaca ammaanka ah, waa sida ay sheegeen dad ehello la ah marxuumka.
Sidoo kale Cali Max'ed Xasan waxaa uu ka tirsanaa bahda Saxaafadda isagoo ka hor inta uusan ku biirin howlaha Maamulka Gobalka Hiiraan ka howl-gali jiray Idaacad lagu magacaabo Darban oo ka mid ah Idaacadaha FM-ka ah ee ka shaqeeya Gobalka.
Dilka Marxuumka ayaa ku soo beegmaya saacado yar uun kadib xili gacan ku heyta Magaalada ay la wareegeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamigga kadib markii ay isaga guureen fariisimihii ay ku la haayeen gudaha Magaalada Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa in ka badan labo Bilood.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Madaxii Waaxda Dembi Baarista Gobalka Hiiraan oo xalay toogasho lagu dilay
More News
- Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ku baaqay in aan la xirin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sharci darro ku tilmaamay go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya
- Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan oo markii ugu horeysay si toos ah loo toogtay
- Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamarweyne
- Qarax ka dhacay Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho