Sunday, September 14, 2008(HOL): Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa loo geystay dhimasho iyo dhaawac kadib markii iyagoo ku lugeynaya Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho meel sare laga soo toogtay.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Barigye Ba-Hoku ayaa sheegay in rag hubeysan oo saarnaa dhismayaal ku yaala wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4 ay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamadooda, seddex kalena ay dhaawaceen.
Waxaa uu beeniyay Major Bridge Bhuko in ciidamadaas ay ku geeriyoodeen qarax ka dhashay Miino loogu aasay hareeraha Wadada isku xirta garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4.
Waxaa kale oo uu beeniyay Afhayeenka Ciidamada Amisom in markii dilka iyo dhaawaca loo geystay kadib ay ciidamadooda toogteen dad rayid ah, wuxuuna xusay in uu warkaas yahay mid aan loo qaateyn ahayn oo been abuur ah.
“Waxaan cambaareyneynaa kooxihii ka dambeeyay weerarkii lagu soo qaaday Ciidamadeena, sidoo kalena waxaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ugu baaqeynaa in ay iyana falkaas cambaareeyaan”ayuu yiri Major Barigye Ba-Hoku.
Waa markii ugu horeysay oo Ciidamada Amisom si toos ah loogu toogto Magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu geysan jiray weerarro toos ah iyo qaraxyo ka dhasha Miinooyin lagu aaso Waddooyinka dhinacooda.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Amisom oo haatan ay Muqdisho ka joogaan Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxay yihiin kuwo aan ka qeybqaadan howlgallada ay Muqdisho ka fuliyaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxayna kaliya howshoodu tahay sugidda Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho, Madaxda sare ee Dowladda iyo Isgoyska KM4 oo ay inta badan isticmaalaan madaxda Dowladda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia