Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamarweyne

Axad, September 14, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Afar Irdood ee Degmada Xamar-weyne, iyadoo halkaasina uu ka dhacay dagaal dhexmaray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamadii Saldhigga joogay.

Taliyaha Saldhiggaas Maxamed Cusmaan ayaa xaqiijiyay in ay Kooxo hubeysan weerar ku soo qaadeen, wuxuuna caddeeyay in ay iska caabiyeen kooxihii soo weeraray oo uu sheegay in ay dhowr jiho weerar kaga soo qaadeen.

Taliyaha ma uusan sheegin wax khasaare ah oo labada dhinac ka soo gaaray dagaal saacad socday oo dhexmaray, wuxuuna kaliya sheegay in ay ka reebteen kooxihii soo weeraray hub ay wateen.

“Dhinaceena ma jiraan wax khasaare ah oo na soo gaaray, dhinaca Kooxihii weerarka nagu soo qaadayna ma sheegi karno wax soo gaaray, kaliya waxaan ka reebnay Bambooyin iyo hub kale oo ay wateen”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Xamar-weyne.

Weerarka lagu qaaday Saldhigga Booliska Degmad Xamarweyne ayaa wuxuu yahay midkii ugu horeeyay oo lagu qaado saldhiggaas, iyadoo kooxaha ee Dowladda ka soo horjeeda ay horay weerarro ugu qaadi jireen Saldhigyo kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya waxaa ka dhaca dagaallo, qaraxyo iyo dilal, kuwaasi oo magaalada Muqdisho ka dhigay mid aan ammaan ahayn oo inta badan dadkii ku noolaa ay ka barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia