Qarax ka dhacay Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Axad, September 14, 2008(HOL): Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa saaka wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in uu jiro khasaare Ciidamada Amisom ka soo gaaray Qaraxaas.
 
Qaraxaas kadib ayay Ciidamada Amisom fureen rasaas xooggan, taasi oo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay, marka laga reebo in ay argagax gelisay dadka degan hareeraha wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonak Diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax midkan la mid ah uu halkaas ka dhacay, iyadoo halkaasina uu ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamada Amisom, kaasi oo markii ay Miinada la qarxeysay ku howlanaa howl Miino baaris ah.

Wadada u dhaxeysa Isgoyska KM4 oo inta badan ay isticmaalaan gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Degmada Madiina iyo Isgoyska KM4 iyo weliba Gaadiid ay saaran yihiin Dad doonaya in ay dalka ka dhoofaan ama ay ku soo laabtaan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo Miino, inkastoo aaney ilaa iyo hataan jirin khasaare qaraxyadaas ka soo gaartay dad rayid ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia