Mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ballanqaaday in ay meel-marinayaan Heshiiska ay wada gaareen

Cabirka Farta

Shiikh Shariif iyo Axmed C/salaan

Axad, October 26, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka hadlay Xafladii lagu saxiixay heshiiskii ay maanta  labada dhinac gaareen Dalka Jibouti  ayaa ballanqaaday in ay meel-marinayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hadalka ku horeeyay ayaa wuxuu sheegay in heshiiska ay gaareen uu yahay mid xornimo, nabad iyo dowlad midnimo qaran u horseedaya Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay xoogagga muqaawamada ee ka dagaallama Soomaaliya in ay xabadda joojiyaan.

“Wixii shalay aan u dagaallameynay haddii ay ahaayeen in Ciidamada Itoobiyaanka dalka laga saaro hadda taasi wey dhowdahay, afartii bilood ee loo qabtayna hadda waxaa ka harsan 54 maalmood, marka waxaan leeyahay looma baahna in iyadoo ciidamada Itoobiyaanka baxayaan la galo dagaallo kale oo hor leh”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dhinacooda ay ballanqaadayaan in ay meel-mariyaan heshiiska ay gaareen, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay jiri karaan dad uu heshiiskaas dhibayo oo aan nabad rabin, kuwaasi oo uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto.

Intaas kadib Shiikh Shariif wxaa uu u mahadceliyay Qaramada Midoobay, Dowladda Jibouti iyo Wakiillada Beesha Caalamka ka socday ee dadaalka badan geliyay sidii uu u guuleysan lahaa Shirkii Jibouti.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa isagana ka hadlay Xafladdii heshiiska lagu saxiixay, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ay ballanqaadeyso in ay meel-mariso heshiiska ay la gaartay Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo u daneynaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya, haddii uu ahaan lahaa kuwa dagaallada ku socdaan iyo kuwa ku dhibaateysan duleedyada Muqdisho.

“Annaga Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan meel-marinno heshiiska aan la gaarnay walaalaheena Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in ay iyaguna dhinacooda heshiiska dhaqangelin doonaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Axmed C/salaan Xaaji Aadan waxa uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan tahay in la gaaray xiligii la soo af-jari lahaa dhibaatada iyo colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya, wuxuuna ku cel celiyay in ay dhab ka tahay in ay meel-mariyaan heshiiska ay saxiixeen.

Intaas kadib wuxuu u mahadceliyay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Qaramada Midoobay oo iyada lahayd fikradda la isugu keenay labada dhinac ee heshiiska gaaray dowladda Jibouti ayuu si gaar ah ugu mahaceliyay, sidoo kalena wuxuu u mahaceliyay Beesha Caalamka oo uu sheegay in ay si weyn ugu dadaaleyso in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

War la xiriira

Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Heshiis muhiim ah gaaray-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia