Axad, October 26, 2008(HOL): 9 Ruux oo 6 ka mid ah ay ahaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaawacyo culus ka soo gaareen Qarax xooggan oo saaka ka dhacay Igsoyska Afarta Jardiino ee kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid, Shibis iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ayaa waxaa Ciidamada uu ku qarxay loogu aasay meel ay fariisan jireen maalin walba oo ay Lacag canshuur lagu sheegay ku qaadi jireen.
Dhawaqa qaraxan oo laga maqlayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa mid xooggan, wuxuuna saameyn ku yeeshay guryo ka dhawaa halka uu ka dhacay iyo weliba gaadiid dadweynaha qaada oo yaala Busteejo ku taala Isgoyskaas.
Isgoyska Afarta Jardiino ayaa waxaa horay uga dhacay dhowr Qarax, kuwaasi oo qaarkood ay waxyeello ka soo gaartay Dad rayid ah oo la socday Gaari BL ah, inkastoo in muddo ah aysan wax qaraxyo ka dhicin.
Ugu dambeyntiina, Qaraxa saaka ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay muddooyinkan yaraadeen qaraxyadii is-daba joogga ahaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lala eegan jiray Gaadiidka Mas’uuliyiinta Dowladda iyo weliba kuwa Ciidamada qaada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia