Axad, October 26, 2008(HOL): Meydadka ilaa 6 ruux oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkay goobo ay shalay ku dagaallameen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogag ka soo horjeeda oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Meydadka dadkani oo la sheegay in ay ahaayeen xoolo-dhaqato ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Deegaanka Madax-Maroodi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sababta keentay geeridooda.
Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in Dadkani ay geeriyoodeen kadib markii ay madaafiic ugu tageen deegaanka ay ku sugnaayeen ee Madax-Maroodi, halka warar kalena ay sheegayaan in ay si bareer ah u toogteen Ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay Xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah dad rayid ah ku dilaan inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne, waxayna ahayd mar sii horeysay markii ay sidoo kale dad shan ruux ka badan ay ku dileen nawaaxiga Yaaq-biri-weyne.
Dhanka kalena, Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee shalay dagaalka ku qabsaday inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq-biri-weyne ayaa saaka mar kale lagu weeraray Deegaanka Balow oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalkaas sheegtay Xoogag Maxkamadaha Islaamka, garab sheegtay in uu ka madax bannaan yahay dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Xoogagga Jabhul Islaamiya.
Afhayeenka Xoogaggan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ay weerareen, welibana ay u geysteen khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid isugu jira, halka dhinacoodana uu sheegay in aysan wax khasaare ah oo dagaalkaas ka soo gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia