Axad,
Hotelka Kempinski ee magaalada
In dhinacyada Heshiiska ku gaaray Jibouti oo kala ah Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay joojiyaan abaabulidda colaadaha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta gudaha iyo dibadda, ayna dhowraan xabad-joojinta ay wada saxiixeen.
In ay taageerayaashooda ugu baaqaan in ay xabadda joojiyaan, lana dhaqangeliyaan heshiiska ay gaareen.
In ay ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Saldhigyo ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho oo kala ah Warshadda Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga.
In wejiga koowaad ee ka bixista Ciidamada Itoobiya uu bilowdo 21-ka November, wejiga labaad oo ay dalka ka wada baxayaan-na uu noqdo 120 maalmood gudahood.
In goobaha ay ka baxeen la dejiyo Ciidamada Amisom iyo kuwo ka kala amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
In muddo 45 cisho gudahood ah lagu diyaariyo ciidamo la wareega ammaanka Magaalada Muqdisho iyo qodobo kale.
In Xabadda la joojiyo, iyadoo xabad-joojintaasna ay dhaqan-geleyso laga bilaabo 5-ta bisha November ee soo socota.
In Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay wada jir u soo diyaariyaan Ciidamo Boolis ah oo gaaraya 10 Kun oo Askari, kuwaasi oo ammaanka sugi doona.
In Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya uu daboolo baahida ciidamadaas.
In Guddiyo labada dhinac ka kala socda ay ku shaqeeyaan Gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiska ay gaareen, sidoo kalena ay fududeeyaan sidii gargaar bani'aadannimo loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta u kala saxiixay Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo guddiyada Ammaankana ay u kala saxiixeen Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Col. Cumar Xaashi Aadan.
Saxiixa heshiiskan waxaa goob-joog ka ahaa Wakiillo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale ay joogeen safiirro Jibouti u fadhiya Dalal badan oo daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Heshiiskan oo tan iyo 9-kii June 2008 soo jiitamayay ayaa maanta waxay noqotay in la soo gunaanado, iyadoo dhowr jeer ay dhinacyada heshiiska wada gaaray isku afgaran waayeen eray-bixinta qodobada qaarkood iyo weliba in si cad qalinka loogu duugo in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Heshiiskan ayaa markii uu soo baxay waxaa si weyn ugu farxay Dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada Muqdisho ee ay ku socdaan dagaallada aan dhamaadka lahayd iyo weliba kuwo guryahoodii uga barakacay Dagaallada socda, isla markaana ku dan-dareysan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceel Macaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online