Axad, October 26, 2008(HOL): Waxaa Maqribnimadii xalay Nin hubeysan uu toogasho ku dilay Madaxii Hay'adda IIDA ee Degmada Guri-ceel Alle ha u naxariistee Duniyo Shiikh Doon xili ay ku soo jeeday hoygeeda, waxaana wararku sheegayaan in qofka dilka geystay uu baxsaday.
Duniyo Shiikh Doon ayaa bilihii ugu danbeeyay howlo Samafal ah ka waday deegaano ka tirsan Gobalka Gal-gaduud, gaar ahaan Degmooyinka Guri-ceel, Dhuusa-mareeb, iyo Xeraale, oo ka mid ah goobaha sida weyn ay u gaareen dadka ka barkacay Colaadaha iyo Abaaraha ka jira qeybo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Waxaa xusida mudan in Duniyo xoogga saari jiratay sidii ay gargaar u heli la haayeen dadka tabaaleysan, gaar ahaan Haweenka oo ah kuwa ugu nugul marka ay jiraan xaaladaha adag ee dhinaca nolasha ah.
Hay'adda IIDA oo ay ka tirsaneyd Alle ha u naxariistee Duniyo Shiikh Doon ayaa ka shaqeyneysay qeybo badan oo ka mid ah Goballada dalka, waana Hay'ad u taagan ka hortaga Masiibooyinka iyo Wacyi galinta Haweenka, waxaana ay Hay'addu xariir la leedahay Hay'ado kale oo ka howlgala Qarada Afirca iyo waliba dalka Talyaaniga.
Dadka ku dhaqan Degmada Guriceel ayaa si weyn uga naxay markii ay maqleen warka ku saabsan dilka Duniyo Shiikh Doon, waxaana dilkaasi uu saameyn mug leh ku yeelan doonaan Haween badan oo ku dhaqan Goballada dhaxe, kuwaas oo ku tiirsanaa gargaarka iyo Samafalka Marxuumadda geeriyootay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale toogasho lagu dilo shaqsiyaadka ka shaqeeya Howlaha Samafalka, laakiin dilka ka dhacay Degmada Guri-ceel ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah laguna fuliyo qof Haween ah oo ku howlanaa arrimo Samafal ah iyo u gargaarida dadka tabaaleysan.
C/raxmaan Diini, Hiiraaan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Madaxii Hay'adda IIDA ee Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud oo xalay toogasho lagu dilay
Cabirka Farta
More News
- Mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ballanqaaday in ay meel-marinayaan Heshiiska ay wada gaareen
- WAR DEG DEG AH: Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo heshiis muhiim ah ku gaaray Jibouti
- Xildhibaanadii ugu dambeeyay oo saaka laga daad-gureynayo Magaalada Baydhabo
- Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho
- Meydadka Dad Rayid ah oo laga helay goobo ay shalay ku dagaallameen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda
- Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka oo sheegay in ay soo ceshadeen Deegaanno uu Al-Shabaab ka qabsaday iyo Afhayeenka Al-Shabaab oo arrintaas beeniyay