Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qiimo-dhismis ku sameeyay Lacagta lagu sameysto Baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, October 17, 2008(HOL): Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay go’aamiyeen in la dhimay lacagta lagu sameysto  Baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

C/llaahi Gaafow waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirrada ay qiimaha Baasaboorka cusub ka dhigeen marka gudaha laga qaadanayo 80$, marka dibadda laga qaadanayana 100$, isagoo sheegay in Caruurta min dhalashooda ilaa 18 sano jirkooda loogu sameynayo 40$ gudaha iyo Dibaddaba.

“Kadib markii ay na soo gaartay cabasho ay dadka ka muujinayaan lacagta lagu sameysto Baasaboorka cusub oo ahayd 107$ ayaan Golaha Wasiirrada u gudbinnay cabashadaas, ugu dambeyntiina maanta ayuu go’aan ka soo saaray”ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. C/llaah Gaafow waxaa uu sheegay in qiimaha hadda lagu sameysan karo Baasaboorka cusub uu yahay mid macquul ah oo ay dadkana awoodi karaan, wuxuuna rajeeyay in ay dadka sameysan doonaan Baasaboorka cusub oo sida uu yiri ah mid casri ah (Electronic Passport).

Ugu dambeyntiina, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay mamnuucday isticmaalka Baasaboorkii hore ee cagaarnaa, waxayna sheegtay in qof aanan wadan Baasaboorka cusub uusan ka soo degi doonin Garoonka Muqdisho, kana dhoofi doonin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia