Ururka Samafalka Aadami oo Deeq lacageed gaarsiiyay Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta


Isniin, October 20, 2008(HOL): Ururka Samafalka Aadami ayaa wuxuu lacag gaareysa 3000 oo Doollar gaarsiiyay Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Banaadir, kuwaasi oo lagu daweeyo dadka ku soo dhaawacma dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Deeqdan lacageed oo ay iska soo uruuriyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka, gaar ahaan Virginia iyo Maryland ayaa waxaa qeybiyay Ururka Aayo-la-talinta Haweenka Soomaaliyeed oo wakiil ka ahaa Ururka Samafalka Aadami.

Haween ka socday Ururka Aayo-ka-talinta Haweenka Soomaaliyeed oo kala ah Caasho Cusmaan Ugaas (Caasha Shaacuur), Xaliimo Geeddi, Maryan Xarago iyo Duniyo ayaa waxay Isbitaallada Dayniile iyo Banaadir kala gaarsiiyeen min 28 Milyan Sh. So ah, halka Isbitaalka Madiina ay gaarsiiyeen lacag dhan 1000 Doollar.

Deeqdan lacageed oo la gaarsiiyay Isbitaalladaas ayaa waxaa loo qeybiyay bukaannada ku jira Isbitaalladaas, kuwaasi oo loo fiiriyay sida ay u kala tabar daran yihiin, iyadoo dadkii loo qeybiyayna ay si weyn ugu farxeen.

Dr. Maxamed Yuusuf Xasan oo ah Agaasimaha Isbitaalka iyo  Cumar Maxamuud Xuseen oo ah ku simaha Agaasimaha Isbitaalka  ayaa ka mahadceliyay deeqda lacageed ee uu Ururka Aadami soo gaarsiiyay, waxayna sheegeen in deeqdaas la soo gaarsiiyay xili ay Isbitaallada Madiina iyo Dayniile ay ku jiraan dad ku soo dhaawacmay dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kalena maamulka Isbitaalka Madiina ayaa isna lacagtaas ka mahadceliyay wuxuuna sheegay in 28 Milyan Shilin Somali ah oo la soo gaarsiiyay ay qaar siin doonaan Bukaannada Isbitaalka, inta soo hartayna ay u isticmaali doonaan shidaalka Matoor loo shido Isbitaalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, deeqdan lacageed ee la gaarsiiyay Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Banaadir ayaa waxay ahayd mid aad ay ugu baahnaayeen Bukaannada ku jira Isbitaalladaas, kuwaasi oo ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dagaallo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia