Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda UNICEF oo lagu dilay Xudur

Cabirka Farta

Isniin, October 20, 2008(HOL):  Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xalay lagu dilay Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda  Qaramada Midoobay ee UNICEF, kaasi oo lagu magacaabi jiray Inj. Mukhtaar Maxamed Xasan.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay sarkaalka ku dileen bartamaha magaalada, iyadoo la sheegay in marxuumka xiliga la dilayay uu ku sii jeeday Masjid uu ku soo tukan lahaa Salaaddii Cishaha.

Dad badan oo ku dhaqan Degamada Xudur ayaa waxay si weyn uga xumaadeen Dilka Marxuumka, waxayna cambaareeyeen kooxihii dilkiis ka dambeeyay, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeday howlaha uu marxuumka u hayay bulshada.

Dilka sarkaalkan loo geystay ayaa waxaa ka hadlay saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasi oo cambaareysay kooxihii dilkiisa ka dambeeyay, iyadoo sidoo kalena uu ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin oo sheegay in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa sarkaalkii labaad oo u shaqeynayay UN-ka oo todobaad gudahiisa lagu dilo gudaha Soomaaliya, waxaana dabayaaqadii todobaadkii hore lagu dilay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe marxuum C/naasir Aadan Muuse oo u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Ugu dambeyntiina, Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sii kordhaya af-duubka iyo dilka loo geysanayo Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka haddii ay ahaan lahaayeen Ajnabi iyo Soomaali intaba, waxayna taasi keentay in ay yaraadaan howlihii gargaarka ahaa ee ay Hay’adaha Samafalka ka wadeen gudaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia