Dad lagu dilay Tuulada Dhabad ee Gobolka Galgaduud

Cabirka Farta

Isniin, October 20, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Cabuud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in xalay Tuulada Dhabad lagu dilay shan dhalinyaro ah oo meel ku wada sugnaa.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay raggaas toogteen, iyadoo xiliga raggaas la tooganayayna ay ilaalo ka hayeen Matoor Biyo iyo Koronto siiya Tuuladaas, iyadoo la sheegay in ay toogteen rag hubeysan oo ilaa 6 ruux gaarayay.

Dadka Tuulada Dhabad ayaa waxay sheegeen in ay tuhmayaan in dilka dhalinyaradaas uu salka ku hayo aano qabiil, waxayna walaac ka muujiyeen in xaaladda ay faraha ka baxdo, isla markaana ay Tuuladaas iyo deegaannada u dhow ka bilowdaan is-ugaarsi u dhaxeeya dadka ay colaadda u dhaxeyso.

Mas’uuliyiinta Maxkamad Islaami ah oo gacanta ku heysa Degmada Cabuud-waaq iyo deegaannada hoos-yimaada iyo Waxgarad ku sugan Degmada ayaa waxay ku howlan yihiin sidii xiisaddaas loo qaboojin lahaa, iyadoo raggii dilka geystay haatan la soo sheegayo in ay ku raad-joogaan Xoogag ka amar qaata Maxkamadda Islaamiga ah ee Cabuud-waaq.

Dilka xalay ka dhacay Tuulada Dhabad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn walaac uga muujinaya anOdayaasha iyo Waxgaradka Tuuladaas ku dhaqan, kuwaasi oo ka baqaya in dilka raggaas uu keeno aar-goosi ay dad kale ku dhintaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia