Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo beenisay in isticmaalka Baasaboorka cagaaran laga mamnuucay kaliya Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Isniin, October 20, 2008(HOL): Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay beenisay in isticmaalka Baasaboorka cagaaran kaliya laga mamnuucay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isla markana laga isticmaalo gobollo kale oo dalka ka tirsan.

Taliyaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in Baasaboorka cagaaran laga wada mamnuucay Soomaaliya oo dhan, isla markaana haatan iyo wixii ka dambeeyo uu shaqeyn doono baasaboorkii cagaarnaa.

“Warkaas waa waxba kama jiraan, mana jiro meel uu ka shaqeynayo baasaboorkii cagaarnaa ee Soomaaliya, waxaana idiin sheegayaa haddii ay jirto meel laga isticmaalo halkanna waa laga isticmaali doonaa”ayuu yiri C/llaahi Gaafow Maxamuud oo sheegay in Dowladda Federaalka ay mamnuucday Baasaboorkaas.

Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay mamnuucidda isticmaalka Baasaboorkii cagaarnaa ku koobtay kaliya dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in baasaboorkaas laga isticmaalo deegaannada uu ka taliyo maamulka Puntland.

“C/llaahi Gaafow waa nin u dhashay deegaankan waxaan u sheegeynaa in uu cadaadiska ka daayo dadka uu ka soo jeedo waayo berri meel uu ku laabto ayuu rabaa marka lagu kala tago Dowladda Federaalka”ayuu yiri C/llaahi Dheere oo sheegay in mar kasta oo la gaaro xiliga Xajka ay Waaxda Socdaalka culeys saarto Baasaboorka ay dadka ku dhoofaan, “Sanadkii hore dadkii soo Xajka u socday oo Baasaboorka cagaaran watay waxaa laga qaaday qofkiiba 50$, hadana waxaa la doonayaa in laga qaado lacag dhan 100$”ayuu mar kale yiri C/llaahi Dheere.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia