![]() |
| Fu’aad Aadan Cadde oo ku biiray Xisbiga Kulmiye |
Munaasibad loo qabtay ku-biiritaanka Fu’aad ee Xisbiga Kulmiye oo ka dhacday Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxa ka qaybgalay Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, Xubno ka socday Golaha dhexe ee Xisbiga, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaa ka hadlay ayaa Fu’aad Aadan Cadde ku tilmaamay nin mawqif siyaasadeed leh, isla markaana aan ka gabban mawqifkiisa. “Fu’aad Aadan Cadde waaa nin ka soo jeeda Gobolka Sool oo aqoon badan leh, isla markaana aaminsan Somaliland.. waa nin dhiiran oo UDUB wuxuu kala soo wareegay oo aynu maqli jirnay isaga oo Xukuumadda ku jira in uu Mawqif cad istaagi jiray. Waxaanu ku leenahay soo dhawoow, si qiimo leh ayaad Xisbiga uga mid noqonaysaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Doorashooyinka soo socdana waxaan rejaynayaa inaad ka soo hoyn doonto guulo.”
Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Weeraradii 29-kii October ka dhacay Hargeysa, waxa uu Shacabka ugu baaqay in aan la wayeellayn Shacabka Soomaaliyeed ee ka baro-kacay Koonfurta Somalia. “Ha la ilaaliyo dadka walaalaheen ah oo yaynaan noqon dad martidii la joogtay baqdin iyo wel-wel ku abuura.” Ayuu yiri Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo muddo haatan ku siman 8-bilood ka hor Madaxweyne Rayaale Xilka ka qaaday oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan ballan qaadayaa oo aan Ilaahay ka baryayaa in uu ila qabto oo aanan waxba kala hadhin Dalka, Dadka, Gobolkaan ka imi (Sool) iyo Xisbigaba ee aan wax taro. Waxa kale oo aan ballan-qaadayaa in aanan Somaliland waxba kale hadhin ugu horrayn. Waxaan aaminsanahay ninku Lacag, Caafimaad, Ubad iyo wax kasta oo kale ha haysto, haddii aanu qofku Waddan nabad ah oo la ictiraafsan yahay lahayn, rag iyo dumar ka uu doono ha ahaadee xarragadiisu wax ay taraysaa ma jirto. Maanta iiguma muuqato (Somaliland) in uu yahay sidii dal lagu noqon lahaa, waa in lala yimaadaan habkii dal lagu noqon lahaa. “
Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka warmay sifihii uu Madaxweyne Rayaale Xilka uga qaaday wixii qoraalkii ku xusnaa Digreetadii M/weyne Rayaale Xilka kaga qaaday. “Runtii maaha inaan Dawladda caayayo, ee Shan sannadood ayaa Wasiir ahaa, siddeed bilood ayaan hadda ka maqanahay, intii aan ku jiray mar walba waan hadli jiray oo wax ha la qabto ayaan odhan jiray, wixii dhalliil jirana waan sheegi jiray. Sideedda bilood ee aan ka maqnaa maan hadlin oo Saxaafadda midna kamaan hadlin. Macnaheedu waxa weeye, wixii shalay aad ka midka ahayd maanta ha caayin. Runtu waxay tahay, Madaxweynuhu markii uu I eryay waxa uu Warqadda iigu qoray, waxaan u fasaxay inuu meelahaa ka nac-nacleeyo. Madaxweynaha maan caayin oo Oday baan ahay, waxaanan idhi caayi maayo oo isagu wuu I caayay, hase ahaatee haddii Madaxweynuhu runta u yaqaano nac-nac, runta waan sheegayaa inta aan noolahay.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Aniga oo aaminsan in aydun markii horeba run isu sheegi jirteen, waxaan idinku soo kordhinayaa in aan run dhexdiina ka sheego. “
Wasiirkii hore ee Deegaanka Somaliland Fu’aad Aadan Cadde waxa uu halkaa ka jeediyay Ereyo Siyaasadeed oo duur-xul iyo badheedh-ba isugu jira. “Nin da’ ahaa oo Maraykan ah, ayaa la soo shaqeeyay afar Madaxweyne oo Dawladihii Maraykanka ee awoodda lahaa iyo sidoo kale Dawladdii Ruushka. Muddo dabadeed ayuu shaqadii ka fadhiistay, waxa u tegay nin Suxufi ah oo waydiiyay, maadaama aad Hanti, Magac, Caruur iyo Waayo-aragnimo-ba leedahay miyaanad faraxsanayn. Wuxuu ugu jawaabay, waxaan ahay nin wayn, mana rabo in aan dhinto isaga oo Nixon uu joogo oo uu Madaxweyne ka yahay Aqalka Cad. ILaahay wuu ugu hagaajiyay oo Nixon waa la khaarajiyay. Imika, waxaan idin leeyahay, waxaan ahay nin wayn ee Ina Rayaale oo Somaliland haysta inaan dhinto dooni maayo. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inaynu helno dal wanaagsan iyo Dawlad wanaagsan.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.
Waxa kale oo Munaasibaddaa ka hadlay Guddomiye-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamuud Faarax oo Fu’aad Aadan ku tilmaamay Masuul wax wayn ku kordhin doona Xisbiga Kulmiye, isla markaana metela Siyaasiyiinta Gobolka Sool. Waxaanu sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin kale oo mustaqbalka dhaw ku biiraya Xisbiga Kulmiye.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo baxay Xisbiga Kulmiye oo halkaa ka hadlay ayaa isna soo dhaweeyey, isla markaana xusay in ay jireen Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo hore uga mid ahaa Xisbiga.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland
