Khamiis, November 27, 2008(HOL): Haweeney Mareykan ah oo la yiraahdo Michele, sidoo kalena loo yaqaanno Amiira, ayaa ku dhawaaqday inay xiriir toos ah la leedahay burcad-badeedda heysata maraakiibta waaweyn.
Wareysiga 'Amiira'
Haweeneydaas ayaa BBC-da u sheegtay inuu xiriirkaas qeyb ka yahay dadaal ballaaran, oo ay dooneyso inay uga shaqeyso xasillinta Somalia, iyadoo adeegsaneysa asxaabta iyo aqoonta ay ku dhex leedahay dowladaha Reer Galbeedka, iyo hey'adaha caalamiga ah.
Maxaa sabab u ah burcadnimada badda?
Gabadhan Mareykanka ah ayaa u aragta in, inkastoo ay falalka burcad-badeeddu yihiin kuwa kasoo horjeeda xeerarka adduunka, haddana ubucda dhibaatadu ay tahay kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu xaalufinayo xeebaha Somalia, iyo haraadiga sumeysan ee ay dowladaha waaweyn ku daadiyaan biyaha Geeska Africa.
Waxay Amira rumeysan tahay in dadka ku kaca falalka burcad-badeeddu ay u caal-waayeen labadaas arrimood, taana ay ku kalliftay inay siyaabo kale u aar-gutaan.
Laakiin haddii sida ay Amiira ku doodeyso ay burcad-badeeddu u badan yihiin kulluumeysato u damqaday kheyraadka dalkooda ee la boobayo, ma shaki baa ku jira in malaayiinta doollar ee hadda kasoo gasha madax-furashada, ayba ku dhalin karto inay burcadnimo mehered ka dhigtaan?
Waxay tiri Amiira:
"Haa, dabcan, falalkan waaweyn waa kuwa aad loogu sarkhaami karo. Waana ogahay inay adag tahay in lagu beddesho shaqo caadi ah oo mushaar laga helo."
Amira ayaa sheegtay inay si joogto ah u kala warqaadaan burcadda heysata markabka weyn ee sida shidaalka ee Sirius, iyo kan ay taangiyadu ku raran yihiin ee Ukraine laga leeyahay.
Kaalinta 'Amiira'
Su'aasha la is weydiin karo ayaa waxay tahay, sidee bey haweeneydan Marekanka ah xiriirka ula sameysatay burcad-badeedda Soomaaliyeed.
Waxay sheegtay in shantii sano ee ugu dambeysay ay xiriir qoto-dheer la sameysatay odayaasha qabaa'ilka Soomaalida, si bay tiri xal waafi ah loogu helo dhibaatada ku habsatay shacabka Somalia.
Waxay tiri Amiira:
"Xiriirkaas ayaa u xuubsiibtay mid aan la yeeshay qoysaska dad markoodii hore si caadi ah uga kalluumeysan jiray badaha, oo kaddibna u weecday falalka burcad-badeedda, ee innaga iyo beesha caalamka-ba horyaalla, falalkaas oo ka dhashay kalluumeysi sharci darro ah, iyo haraadiga warshadaha oo lagu daadiyo xeebaha Somalia.
Markaas bay dadkaas ila soo xiriireen, si loo furdaamiyo xaaladda isku cakiran, iyo si ay loola tacaalo dhibaatada loo geysto, ayna si sharci ah uga xamaashaan badohooda.
Ragga maraakiibta heystaa waxay iigu yeeraan Amiira."
Laba toddobaad ka hor ayay Amira kasoo laabatay booqasho ay ku tagtay qeybo kamid ah dalka Somalia. Waxay sheegtay in ujeeddada safarkaas ay aheyd sidii loo soo afjari lahaa guud ahaan howlaha burcad-badeedda.
Burcaddu maxay doonayaan?
Waxay intaas raacisay in sababta ay burcad-badeeddu magaca Amira ugu dhajiyeen maraakiibta ay heystaan, ay tahay baaq ay u dirayaan maraakiibta millatari ee ku hareereysan, si ay ugu muujiyaan inay wada-xaajood diyaar u yihiin.
Waxay intaas raacisay:
"Waa muhiim inaan xiriir la sameyno kuwa wax heysta. Kalsoonida aan shantii sano ee ugu dambeysay ka sameysannay qabaa'ilka kala duwan, ayaa noo suurta galisay inaan xiriirkaas sameynno.
Waxaan dooneynaa in xal macquul ah loo helo dhammaan 17-ka markab ee la heysto."
Dabcan waa tallaabo wanaagsan in laga shaqeeyo sii deynta maraakiibta la heysto iyo shaqaalah saaran, balse waxaan Amiira weydiiyey, waxa iyadu ay shakhsiyan ka faa'iideyso dadaalkan ay waddo.
Muxuu yahay hadafka 'Amiira'?
Waxay sheegtay in hadafkeedu uu yahay in shacabka Soomaaliyeed uu helo dal uu ku faani karo, oo xubin buuxa ka ah beesha caalamka.
Waxay intaas ku dartay in xiriirka ay ku leedahay beesha caalamka, ay u isticmaali doonto sidii loo dhageysan lahaa waxyaabaha ay gucanayaan dadka afduuba maraakiibta.

