Qarax saaka ka dhacay Degmada Xamar-weyne

Cabirka Farta

Khamiis, November 27, 2008(HOL): Qarax aad u culus ayaa saaka subaxnimadii waxaa uu ka dhacay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaasina lala eegtay ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Shineemo Afrika ee Degmada Xamar-weyne, wuxuuna ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlayay Xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dad goob-joogayaal ah oo ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegeen in qaraxa lala eegtay uu ahaa mid khasaare geystay, inkastoo ay ka gaabsadeen in ay sheegaan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha Qaraxaas ka soo gaaray ciidamadii lala eegtay iyo weliba haddii ay jiraan dad rayid ah oo qaraxaas ku dhaawacmay.

Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay, iyadoo qadar daqiiqado ahna ay hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee nawaaxiga halka qaraxa ka dhacay.

Ugu dambeyntiina, Qaraxa saaka ka dhacay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo in muddo ah aysan Magaalada Muqdisho ka dhicin wax qaraxyo ah, marka laga reebo iska hor-imaadyo mararka qaarkood ka dhaca.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia