Khamiis, November 27, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Bari ayaa markii ugu horraysay ka hadlay labo saxafi oo u kala dhashay wadamada Ingriiska iyo Spain, kuwaasi oo shalay barqanimadii lagu afduubtay magaalada Boosaaso xili ay rabeen in ay ka duulaan madaarka Boosaaso.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo saxaafadda meel fagaare ah kula hadlay ayaa sheegay in xoog lagu soo furan doono labadaasi saxafi oo maalintii labaad gacanta ugu jiraa kooxo shufta berriyeed ah.
Labada Saxafi ayaa lagu kala magacaabaa Mr.Colin Freeman oo u shaqeeya Jariirada Daily Telegraph ee London halka kan kalena uu yahay sawir qaade u dhashay dalka Spain laguna magacaabo José Cendón.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in aysan garanayn ilaa iyo hadda meesha la geeyay labadaasi saxafi, waxaana uu intaasi ku daray in ay soconayaan dadaalladii lagu soo furdaamin lahaa labaadaasi saxafi.
"Waa wax laga yax yaxo in maamulkeena la ceebaysto. waana naga go,an tahay in la soo furto saxafiyintaasi" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle oo saxaafadda la hadlayay.
Lama garanayo tallaabada uu maamulku u adeegsan doono kooxaha afduubka u haysta labadaasi saxafi ,balse warar soo baxaya ayaa sheegay in lala aaday meelo ku dhaw dhaw Buuralayda gobolka Bari
Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo af-duub cayn kan oo kale ah lagula kaco dad ajaanib ah ayaa haddana arintani waxa ay qayb ka tahay amni xumada ka jirto meelo ka mid ah Puntland.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,somalia