CPJ oo codsatay in la sii daayo afar Joornaaliste oo shalay laga af-duubtay magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Khamiis, November 27, 2008(HOL):Guddiga Difaaca Joornaalistayaasha ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo CPJ ayaa walaac ka muujiyay xaaladda afar Joornaaliste oo Ajnabi iyo Soomaali isugu jira, kuwaasi oo shalay laga af-duubtay magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddigan oo fadhigiisu yahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa ka codsaday dadka heysta Joornaaliistayaashaas in ay si deg deg ah ku sii daayaan.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururkan ayaa lagu sheegay in Colin Freeman oo Britain u dhashay, una shaqeynayay Jariidada Daily Telegraph iyo José Cendón oo ah Sawir-qaade madax bannaan oo Spain u dhashay laga qafaashay shalay Magaalada Boosaaso, iyadoo xiliga la af-duubanayay ay la socdeen labo Wariye oo Soomaali ah oo kala ah Cawaale Jaamac iyo Mukhtaar Saciid, kuwaasi oo u fududeynayay howlaha ay u tageen Boosaaso.

Labada Wariye ee Ajnabiga ah ayaa muddo todobaad ah waxay joogeen Magaalada Boosaso, waxayna halkaas u tageen in ay ka soo waramaan Burcad Badeedka Soomaalida ah iyo saameynta ay ku leeyihiin Deegaannada Puntland.

“Waxaan ka codsaneynaa Maamulka Puntland in ay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay xoriyaddooda dib ugu soo noqoto afartaas Wariye”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Guddiga Difaaca Joornaalistayaasha ee CPJ.

Dhanka kalena, Dowladaha Spain iyo Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay iska kaashanayaan sidii loo sii deyn lahaa Wariyayaasha loo heysto Soomaaliya, kuwaasi oo ay shalay kooxo hubeysan ka af-duubteen magaalada Boosaaso  xili ay doonayeen in ay halkaas ka dhoofaan.

Bishii December ee sanadkii 2007 ayaa Buuraleyda Boosaaso waxaa lagu af-duubtay Wariye Faransiis ah oo lagu magacaabo Gwen LeGouil, kaasi oo doonayay in uu ka soo waramo sida ay Xeebaha Puntland uga baxaan Dadka u tahriiba Dalka Yemen.

Ugu dambeyntiina, Dalka Soomaaliya waxaa horay af-duub loogu heystay labo Wariye oo u  kala dhashay Dalalka Canada iyo Australia, kuwaasi oo kala ah Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan, kuwaasi oo iyana Soomaaliya u tegay in ay ka soo waramaan dhibaatooyinka nololeed ee heysta Dadka ku barakacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia