Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Isniin, November 17, 2008(HOL): Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo ah Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu haatan u dhaxeeyo khilaaf bannaanka yaalla.

Danjire Ould Abdallah waxaa uu ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay dhinac iska dhigaan khilaafaadyada shaqisga ah ee uu dhaxeeya, isla markaana ay diiradda saaraan taageeridda wada hadallada socda ee xalka loogu raadinayo Dalka Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Soomaalida haddii ay yihiin kuwo ka tirsan Dowladda Federaalka ama kuwa ka soo horjeeda, Soomaalida Qurba-joogta ah, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhinacyada daneynaya in ay ka fekeraan mustaqbalka iyo sharafta Soomaaliya, weliba iyadoo dhawaan ay nagu soo wajahan tahay Munaasabadda Ciida Barakeysan ee Ciidul Adxa”ayuu yiri Danjire Ahmedou Ould-Abdallah.

Danjire Ould Abdallah waxaa uu sheegay in dano shakhsiyadeed oo loo halgamo aysan u adeegeynin danaha Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, weliba xili buu yiri uu jiro heshiis ay ugu dambeynta ka soo bixi doonto Dowlad sal-ballaaran oo laga wada qeybgalo.

Hadalka uu sii daayay Diblumaasigan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay uu soo shaac baxayay khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya Wasiiro uu Ra’iisal Wasaaraha soo magacaabay iyo Madaxweynaha oo diiday in uu aqbalo.

Danjire Ould Abdallah waxaa uu sheegay in Soomaaliya oo muddo dheer ku soo jirtay colaado iyo abaaro ay dad badan ku dhinteen aysan u baahneyn in ay dib ugu noqoto fowdadii iyo kala dambeyntii la’aantii ay soo martay, wuxuuna madaxda Soomaalida ku booriyay in ay danaha Dadkooda iyo Dalkooda ka shaqeeyaan, isla markaana ay xukun-doonkooda shakhsiga ah meel iska dhigaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia