Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo maanta la hadlaya Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, November 17, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Xarunta u ah Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu maanta hadal u jeedinayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ra’iisal Wasaaraha oo qado u sameynaya Xildhibaannada Baarlamaanka uu qadada kadib mudanayaasha u jeedin doono hadal ku saabsan heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa shalay mar uu ku dhawaaqayay Wasiirro uu soo magacaabay waxaa uu sheegay in haddii isaga iyo madaxweynaha ay is-mari waayeen uu Baarlamaanka Soomaaliya yahay midka labadoodaba ka sareeya oo la doonayo in uu kala caddeeyo ciddii sax ah iyo ciddii qaldan.

Qadada uu maanta u sameynayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dorraad uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf qado u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaanka, isla markaana uu u jeediyay qudbad uu ku sheegay in aysan wax Xukuumad ah ka jirin Soomaaliya, isla markaana ay gacan ku heynta dalka la wareegayaan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Dhanka kalena, Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Xarunta ADC-da ee uu ku shiro Baarlamaanka Soomaaliya ay ku sii qulqulayaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ku sugan Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo isugu imaanaya shir aan caadi ahayn.

Wixii ka soo baxa kulamada Nairobi iyo Baydhabo kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia