Isniin, November 17, 2008(HOL): Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafkii u dhaxeeyay madaxwaynaha DGPL Maxamud Muuse Xirsi (Jen Cadde) iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaysa doorashada Puntland, kuwaasi oo isku khilaafay arrimaaha doorashada.
Khilaafka soo kala dhax galay Madaxwaynaha iyo Musharaxiinta ayaa yimid kadib markii uu Madaxwayne Cadde soo saaray xeer uu ku magacaabayo guddiga anshaxa iyo khilaafaadka Doorashooyinka, kaasi oo dhaliyay muran aad u xoog badan.
Warar hoose oo soo baxay maalin kadib ayaa sheegaya in Madaxwayne Cadde uu wali ku adkaysanayo in aan wax is-badal ah lagu samayn doonin xubnahaasi, iyadoo dhinaca kalena ay musharixiinta ka biyo diidan yihiin.
Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka mid ah Musharaxiinta ka biyo diiday guddiga uu soo magacaabay madaxweyne Cadde ayaa ka digay isdaba marin lagu sameeyo doorashada loo ballan sanyahay in Puntland ay ka dhacdo sanadka soo socda.
Lama garanayo in is-badal lagu samayn doono guddiga anshaxa iyo khilaafaadka doorashooyinka, balse waxaa muuqata in arintani ay dhilisay khilaaf laga dareemay guud ahaan Puntland.
Dadka qaar ayaa is-waydiinaya ma dhici doontaa doorashada mar haddii lagu muran sanyahay cidda soo xulaysa Barlamaanka cusub ,waxaase la aaminsan yahay in arintani lagu dhamayn karo xal diblumaasiyadeed iyo mid is-fahan ah.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia