Shilalka Gawaarida ee soo gaara Soomaalida ku nool Koofur Afirika oo sii badanaya

Cabirka Farta


Isniin, November 17, 2008(HOL): Waxaa soo badanaya shilalka gawaarida ay Soomaalidu leeyihiin ee Dalka Koofur Afrika kuwaasi oo ay ku naf waayaan, kuna dhaawacmaan darawaliinta iyo rakaabka ay sidaan intaba.
 
Dalkan Koofur Afrika oo ah mid ka mid ah Dalalka ugu shilalka badan Adduunka ayaa Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dadka uu khasaaraha shilalkaasi wax ka soo gaaraan.
 
Gawarida inta badan la qalibanta Soomaalida ayaa waxaa u sabab ah in gawaarida ay Soomaalidu wataan aan inta badan laga sii  fakarin ciladaha sahlaya in ay gawaaridoodu qalibmaan, sida taayarrada oo ah kuwo duugoobay ama horay loo isticmaalay oo ay dib u soo iibsadaan Darawalliinta qaarkood.
 
Waxa kaloo sababaya shilalka xawaaraha faraha badan oo ay ku wadaan gawaarida iyadoo gawaarida qaarkoodna ay yihiin kuwo moodel hore ah oo aan aad loo kaxeyn karin ama darawaliinta qaar oo aan khibrad u lahayn in ay baabuur ku wadaan wadooyinka haloosinka ah ee loogu talagalay in loogu safro gobollada dhaadheer oo ay taraafikadu ugu talagaleen in lagu maro xawaare dhan 120 km saacadiiba, taasi oo lagaba yaabo in ay darawaliinta qaarkood ku maraan xawaare intaas dhaafsiisan oo gaaraya 160 ilaa 180.
 
Mar an booqday isbitaallada qaarkood waxaan kula kulmay Soomaali u badan rag dhalinyaro ah oo dhaawacyo aad u culus ay ka soo gaareen, qaarkoodna ay kuba dhinteen,
 
Goobaha lagu  ciladbixiyo gadiidka ee Soomaalida ayaa  waxaa buux dhaafiyay gawaari bur-bursan oo qaarkood dadkii lahaa ay isaga tageen kadib marka ay bixin waayeen kharashka lagu dayactirayo Gaadiidkooda shilalka ku soo burburay, kharashkaas oo ka badan midkan gaariga uu ku fadhiyo, iyadoo taasina ay keento in Gaariga la xaraasho.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa